26th July 2024  admin  Category :

Haddii anan dhulkaygoow

Dhuux cadaawe kuu karin

Haddii anan dhulkaygoow

Dhiig kuugu fool dhiqin

Haddii anan dhulkaygoow

Gobanimada soo dhicin

Soomaali kama dhalan

Maalkaaga maan dhaqan

Caanihiisa maan dhamin

Ciidana dhab uma ledin

Haddii anan dhulkaygoow

Gaaja kuugu dhuubnaan

Haddii anan dhibaatada

Dhexda suunka ku adkeyn

Haddii aanan dhaxantiyo

Milicdaba u dhereraan

Soomaali kama dhalan

*** *** *** *** ***

Dhirta midhaa kamaan guran

Dhuunigaaga maan cunin

Kuma dhaqaaqin magacaa

Maalkaaga maan dhaqan

Caanihiisa maan dhamin

Ciidana dhab uma ledin

*** *** *** *** ***
SOOMAALIYA HA NALOOTA, Cadawgeedu ha dhaceen.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*