7th September 2024  admin  Category :

Hay’adda Maareynta musiibooyinka ee SoDMA, ayaa maanta munaasabad Kooban oo ka dhacday Garoonka Aadan Cadde waxa ay dowladda Imaaraadka Carabta kala wareegtay Shixnad gargaar ah oo ka kooban qaybaha kala duwan ee raashinka.

Shixnadaan gargaar ayaa waxaa waday mid ka mid ah diyaaradaha xamuulka qaada ee dowladda Imaaraadka Carabta, waxaana uu ku soo aaday xilli Bisha Barakaysan ee Ramadaan fooda inagu soo hayso.

Guddoomiye ku-xigeenka Hay’adda Maareynta musiibooyinka Dr Axmed Cabdi Aadan oo ay wehliyaan Agaasimayaal ka tirsan SoDMA, ayaa shixnadaan kala wareegay Masuuliyiin ka socday Safaaradda Imaaraadka Carabta ee Muqdisho, isaga oo ballanqaaday in mucaawinadan ay gaarsiin donaan shacabka Soomaaliyeed ee dan yarta ah iyo kuwa barakacyaasha ah madaama haatan laguda galayo bisha Ramadaan.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*