29th January 2023  admin  Category :

RW Rooble oo siyaasiyiinta Hawiye mid mid ula kulmay

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Mohamed Hussein Roble ayaa kulan is xog wareysi xaaladda dalka iyo doorashooyinka waxa uu galabta hoygiisa kula yeeshay Madaxweynayaashii hore ee dalka Mudane Shariif Shiik Ahmed iyo Xasan Shiikh Maxamuud.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa sii wada kulamada gaar gaarka ah ee uu la yeelanayo Musharaxiinta iyo Siyaasiyiinta Soomaaliyeed si ay doorashooyinka ugu qabsoomaan jawi xasiloon.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa xalay hoygiisa kula kulmay Musharax Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

Kulamadan ayaa imanaya xilli xaalada siyaasadda dalka Soomaaliya ay meel xasaasi ah maraysa uuna soo if baxay xurguf u dhexeysa Madaxweynaha muddo xilleedkiisii dhamaaday Maxamed Cabdulahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*