21st September 2024  admin  Category :

Howshii Siciid Qorsheel uu bilaabay ayaa guul ku soo dhamaatay

Maareeyaha hey’adda duulista rayidka ee Soomaaliya Mudane Axmed Macalin Xasan oo wareysi siiyay warbaahinta qaranka ayaa sheegay in hawada Soomaaliya ay ku guuleysatay inay gaarto heerka ugu sarreeya ee qiimeynta caalamka, taas oo ka dhigan in badqabka duulimaadyada hawada ay meeshi ugu sareysay ay noqotay, waxaana ku soo dhiiranaya diyaarado badan oo caalami ah.

“Hawada Soomaaliya 30-kii sano ee la soo dhaafay, waxay joogtay qiimeynta caalamka heerka ugu hooseeya, waxaana ku guuleysanay inaan gaarno heerka ugu sareeya qiimeynta caalamka, bahda hey’adda duulista rayid Soomaaliyeed, waxay caawa ula mid tahay habeenkii ay Soomaaliya xornimada qaadatay.” Ayuu yir maareeye Axmed Macalin Xasan.

Maareeyaha ayaa sheegay in muddo sanad ah ay ku qaadatay dowladda Soomaaliya in hawada Soomaaliya la gaarsiiyo heerka ugu sarreeya ee qiimeynta (heerka A), kadib markii dowladdU la soo wareegtay hawada, taasi waxay ka dhigan tahay inaan bixinay dadaal dheeri ah oo aan maanta ku muteysanay qiimeyntaan sare.

Dowladda Soomaaliya markii ay la so wareeysay maamulida hawada, waxay ahayd heerka ugun hooseya ee dhanka qiimeynta , waxaana ay kaga dhigan tahay guushaani in Soomaaliya ay awood buuxda u leedahay inay maamulato hawadeeda, cilmi iyo khibrad ku filana wey heysata. Howshan ayaa waxa qayb libaax ka qaatay Wasiirkii wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaaliya Siciid Qorsheel

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*