
11th April 2026 admin Category :
Xasan Shiikh Maxamuud markii uu mucaaradka ahaa hadaladii uu Farmaajo ku dhihi jiray waxaa kamid ahaa:
Xasan Shiikh Maxamuud markii uu mucaaradka ahaa hadaladii uu Farmaajo ku dhihi jiray waxaa kamid ahaa:
Heshiis kasta oo la soo galaa waa in Baarlamaanka la geeyaa, codka shacabka baarlamaankaa ah, labada gole waa in la hor geeyaa oo la yiraa dawladda heshiiskaaneey soo gashay, maslaxadaaneey ka dhex aragta dantaanaa ku jirto saan waaye, waa in dadka loo sheegaa maleh taas Farmaajo iyo dawladda uu madax ka yahay, wixii heshiis ah ee la soo galay waa shib.
Madaxweeyne Farmaajo waa gees maray dastuurkii dalka. Kaligiistalisnimo dhismaheedii ayuu dabaq kale ku sii daray;
Qaanuun ayaad madaxweeyne ku tahay Farmaajo. Hadii aad dastuurka dardarto, waxaad dardaraysaa waa madaxweeynenimadaada. Kursiga aad ku fadhido aad dab hoosta uga qabanaysaa ee ogoow;
Wiilasha iyo gabdhaha Soomaaliyeed ee iyagana sida qaldan loo isticmaalaayo ee la yiri guddi doorashaad tihiin, doorashaad qabanaysaan la yiri been aa la idiin sheegay. Ha noqonina tuulkii dalka lagu duminayey, ha noqonina mindidii sida qaldan loo isticmaalayey. Doorasho aad qaban kartaan maleh. Sharci daro waaye, rabitaan shacab la’aan waaye doorashada aad wadaan.
Farmaajo waa caqabada ugu weeyn ee doorashada, wuxuuna dadka caqligooda u qaatay in ay dayuus yihiin, dadka Soomaaliyeed masuuliyadda dadka ay u dhiibanayaan waa in ay shacabka ka fiirsadaan, marka ay u dhiibtaan kadibna ay ku illaashadaan;
Maxamed Ca/laahi Farmaajo wuxuu na kala dooradsiinayaa labbo kala daran midkood, in doorasho oo sida uu rabbo oo maskaxdiisa yarta ah ku sawiran loo dhaco oo loo boobo dalka ineey ka dhacdo, oo uu hubbo in boqolkiiba boqol uu berri ku soo baxayo iyo in uu sii joogo oo meesha uu iska fadhiyo; saan rabbo ay doorashada u dhacee lama aqbali karo, waan iska jooggaana lama aqbali karo.
Doorashooyinka waa callaamadaha ugu waaweeyn ee dawladnimadda iyo demoqraadiyadda, afartii sanno mar in lagu qabtaa lagu balamay. Hadeer doorasho ma socoto, heshiis ma jiro, waqtigii sharciyadda wuu dhamaaday dhibbaatada jirtaa waa taas;
Haddaan siyaasadda laga heshiin, amnigana ma soconaayo, dhaqaalahana ma soconaayo wax kala soconaayo ma jirto inta siyaasadda la isku haysto, wax walba waa baa’bayaan waana dagayaan, marka waa in siayaasadda laga heshiiyo.
Farmaajo waa nin collaad uun ka shaqeeyo waaye, waxa gobolka Gedo ka socdo waad aragtay, maamul goboleedyada waad aragtay, labadii aqal ee baarlamaanka meshii uu kala geeyay waad aragtay, shantii dawlad goboleed mesha ay kala joogaan arag ninkaan nin nabad ka taliyey weligiis ma’ahan
Jeneraaloow Odawaayoow wiilkeegiyoow Maxamed Ca/laahi Farmaajo darajada iskama leh, darajada qaanuunaa iska leh, sharciyaa leh, qof afkiisa iyo rabitaankiisa ma’ahan darajada.
Waryaa hooy Farxaanoow dhiiqaa lugaha laguu geliyoohaayaa musqul god qodan oo wasakh ku jirto







