26th November 2026  admin  Category :

35 Sano ka dinb wada hadalkii Caydiid iyo Ciqaal ayaa hadda mid la mid ah ka bilowday Muqdisho

Intii ay dawladda Federaalku ku guda jirtay samaynta maamulka Waqooyi Bari oo ay ku doonayeen inay ku bur buriyaan maamulka Puntland, waxa garab socday sida wasiirka gaashaandhigu Axmed Fiqi sheegay inay kharash ku bixinayeen sidii uu u soo bixi lahaa mid ka mid ah hogaamiyaasha SNM, kaas oo ahaa Ciro.

Hadaba su’aasha is waydiinta mudan ayaa waxay tahay labo maamul oo is diidan sidee dawladda Federaalku hal mar u wada samaysay.

Xaqiiqdu waxay tahay madaxda labada maamul isma diidana oo labaduba waxay rabaan oo raali ka yihiin in Soomaali wax u wada qaybsadaan Waqooyi iyo Koonfur. Madaxda Khaatumo waxay ku faraxsan yihiin iyagoo Warsangeli ka wakiil ah sida ay hadda sheegtaan inay Muqdisho tagaan, halka siyaasiyiinta SNM, iyaguna waxay ku faraxsan yihiin iyaga oo loo arko ama hadaba Koonfurtu u aqoonsan yahay in beelaha Waqooyiga madax u yihiin.

Muddo labo bilood ah ayaa hogaamiyaha Khaatumo ku sugnaa Muqdisho, iyadoo hadda loo badinayo inuu arimahan Waqooyi iyo Koonfur u joogay, inkastoo isagu uuna arintan ka hadlin, hase ahaatee ku xigeenkiisa oo ka soo horjeeda wada hadalkan ayuu hadda doonayaa inuu xilka mooshin uu Baarlamaanka hor geeyo uga qaado.

Qorshihii Caydiid iyo Cigaal ee ahaa inay arkaan Daarood oo Waqooyi iyo Koonfur loo kala qybiyey oo la jebiyey cududiisa sida Kurdiga ayaa hadda Muqdisho ka socota oo inta badan Isimadii Isaaq ayaa halkaas ku sugan. Waana markii ugu horaysay dhowr iyo sodon sano, wasiir ka soo jeeda Federaalka si toos ah looga amaanay Warbaahinta Hargaysa. Wasiirkaas ayaa ah kan u xil saaran wada hadalka, horayna lacagta u siiyey Ciro, hadana bixinaya Tikidhada Diyaaradaha

Ugu danbayntii reerkii magaca weynaa ee Daarood ma noqonayaan mid laga xukumo Koonfur, Waqooyi, Itoobiya iyo Kenya, kadibna sidaas Kurdi oo kale ku noqdaan, oo aysan mar dame, masraxa siyaasadda Somaliya wax ka noqon.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*