27th April 2024  admin  Category :

Hal Maqaarka Diidani Dulduleel kama weydo!

Tan iyo kolkii lagu dhawaaqay golaha wasiirada waxaa soo baxayay warar sheegaya in xildhibaano uu horkacayo gudoomiyaha baarlamaanku wadaan olole looga soo horjeedo golaha wasiirada ee cusub.Guuxa Jawaari iyo xildhibaanada uu horkacayo waxaa aad looga dareemay magaalada Muqdisho iyo xafiisyada wakiilada beesha caalamka.Wakiilo ka socda beesha caalamka ayaa kulan la qaatay Jawaari kana codsaday in baarlamaanku ansixiyo xukumada magacaaban.Raysuwasaare Xasan Cali Khayre ayaa sidoo kale kulan la qaatay Jawaari si ay uga wada hadlaan saluuga uu Jawaari saluugsanyahay golaha wasiirada cusub.Sida muuqata Jawaari waa la qancin waayey waxayna hada mareysaa in qoraal rasmi ah udiro Raysulwasaare Xasan Cali Khayre kana codsado inuu dib uga laabto golaha wasiirada cusub ee uu soo magacaabay.Waxyaabaha uu Jawaari ku andacoonayo waxaa kamid ah in la hareer maray hanaankii awood qeybsiga beelaha Soomaaliyeed ee 4.5.Hadaba maxaa kajira in la hareer maray nidaamka awood qeybsiga beelaha ee 4.5? mise arintu waa oohintu oohin orgi ka weyn!Qoonsiga Jawaari markii hore wuxuu ku ekaa baraha bulshada oo u soo dhigi jiray fariimo ka dhan ah qaabka Raysulwasaaruhu wax usoo magacaabay hada waxay maraysaa in qoraal rasmi ah  la isudiro,durbaba waxaa muuqda khilaaf iyo kala argati duwanaan udhaxaysa madaxweynaha iyo Raysulwasaaraha oo isku dhinac ah iyo Jawaari oo kasoo horjeeda.

Inta aanan faalada ugada gelin bal horta hore aan idinla wadaago qoraaladii iyo fariimihii uu Jawaari maalmihii udambeeyay la wadaagayay shacabka kuwaas oo uu soo dhigayay baraha bulshadu ku xidhiidho.Jawaari wuxuu sheegay in Raysulwasaaraha ka tala siiyay nidaamka awood qeybsiga beelaha Soomaaliyeed ku soo heshiiyeen sidaas darteedna ay muhiim tahay in Raysulwasaaruhu ku shaqeeyo nidaamkaas hadii uu ka leexdana ay meesha ka baxayso rajadii laga qabay dowlada Kheyre.

Ma dhab baa in Raysulwasaaruhu hareer maray nidaamka awood qeybsiga 4.5?

Dhaliisha loo soo jeediyay Raysulwasaaraha waa dhab marka la fiiriyo tirada golaha wasiirada cusub ee Raysulwasaaruhu soo magacaabay iyo qaabka beelaha Soomaaliyeed ugu qeybiyay.Nidaamka awood qeybsiga 4.5 ama shanta beelood waxaa caada ahayd in beelaha si siman loogu qeybiyo golaha wasiirada hadase waxaa muuqata in beel kamid ah shanta beelood wasiir dheeri la siiyay waana halka dad kala dan ah balse isku mariin ah udhex fadiisteen Raysulwasaare Xasan Cali Kheyre.

Oohintu oohin orgi ka weyn!

Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa hal diidani geed ay ku xoqoto ma weydo iyo Hashu maqaarka ay diidantahay dulduleel kama weydo.Ma idinla tahay in Jawaari iyo xildhibaanada tiradooda lagu sheegay 105ta xildhibaan diidan yihiin halkaa wasiir ee dheeriga ah ee la siiyay Beesha Hawiye? Jawaabtu waa maya sababtoo ah xildhibaanada hada wax diidani waxaa kamid ah kuwo udhashay beesha Hawiye ee wasiirka dheeriga ah heshay.Xildhibaanada xukumada magacaaban mucaaradsan waa kuwo ay ka guuxayso dan shakhsiyadeed oo shaxda iska waayey waana dhaqan horay looga bartay xildhibaanada in marka xukumada lagu dari waayo ay mus ugalaan iyagoo ku andacoonaya in la hareer maray dastuurka iyo arimo kale oo markaa ay isleeyihiin wax ku goosta.

Jawaari muxuu qoonsaday?

Jawaari waa nin oday ah muda badana kusoo dhex jiray dowladnimada Soomaaliyeed koritaankeedii iyo kacaa kufkeediina usoo joogay.Wuxuu aad udhaliilsan yahay golaha wasiirada cusub ee magacaaban isagoo sheegay inaan lagu salaynin nidaamka awood qeybsiga Beelaha Soomaaliyeed ku soo heshiiyeen.Ma halka wasiir ee dheeriga ah ee Beesha Hawiye la siiyay buu diidan yahay mise wax kalaa jira?Waxaa jira warar sheegaya in Jawaari rag uu wasiiro uwatay laga tagay oo aan lagu soo darin xukumada sidaas darteedna uu qayb uga noqday ololaha lagu diidanyahay xukumada magacaaban.

Raysulwasaaruhu ma ilduufay mise xal buu mooday?

Ma ahayn in Raysulwasaaruhu nidaamka awood qeybsiga beelaha wax ka badalo hadii uu ku dhiiraday oo uu xal moodayna waxay ahayd in isbadalkaas aysan wax udhimin isu dheeli tirkii awood qeybsiga beelaha inkastoo dadka dhaliilaya Raysulwasaaraha ay yihiin siyaasiyiin dano gaar ah leh.Majirto hal beel oo kamid ah shanta beelood oo ka cabatay qaabka Raysulwasaaruhu uqeybiyay golaha wasiirada waxa buunka afuufaya waa shakhsiyaad iska dhex waayay golaha wasiirada ama kuwo dad ay wateen laga tagay.

Qori iyo qiiqiisba waa la isla tuuraa! Waxaa Raysulwasaaraha la gudboonayd inuusan hal xildhibaana  kusoo darin golaha wasiirada maxaa yeelay isfiirsashada iyo colaada ku salaysan aniga maxaa la iiga tagay ayuusan waligii ka dhamaanaynin.

Dooda qolyaha sheegtay xisbiyada ma daw baa?

Qoraalka kasoo baxay siyaasiyiinta sheegtay xisbiyada nuxurkiisu waa un hal arin oo ah maxaa xukumada cusub nalooga reebay maadaama aan qayb ka ahayn isbadalkii dhacay ee lagu doortay madaxweyne farmaajo,hadii saa loo dhigo waa daw wayna haboonayd in qaar kamid ah lagu soo daro golaha wasiirada maadaama dhaqaale badan ka baxay dharigu intuu karayayna ay korfadhiyeen hase ahaatee arintaas waajib kuma aha Raysulwasaaraha waa un Ilaahay kayaab oo ill naxariis leh nagu fiiri!

Maxaa xal ah?

Hadii la yidhaahdo Raysulwasaaruhu wasiirada uu soo magacaabay dib ha uga laabto waaqici ma aha wakhti badana wuu dhumayaa,waxaa sidoo kale adag in Raysulwasaaruhu wada qanciyo Jawaari iyo 105ta xildhibaan ee uu horboodayo.Marka la tixgeliyo duruufaha dalka ee wax ka qabadka deg dega ah ubaahan,marka la eego tirada xildhibaanada mucaaradnimada muujiyay oo aan ahayn aqlibiyada Baarlamaanka,marka laga fikiro saameynta ay arintani ku yeelan karto go’aan qaadashada mustaqbalka ee hogaaminta qaranka waxaa haboon in Raysulwasaaruhu ku qalajisto halka uu ku qoyay maxaa yeelay hadii uu ka laabto waxay ku noqon doontaa wado halaq mareen ah oo uusan u aayi doonin.

Dhanan media

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*