20th September 2024  admin  Category :

Siyaasiyiinta Hawiye Action Group (HAG), oo uu hogaamiye u yahay madaxweynaha Somaaliya ee hadd Xilka hayaa Hogaamiye Xasan Culusoow, mar walba waxay raadin jireen Siyaasi ka soo jeeda Beesha Darood oo ay hub ahaan ugu isticmaalaan danahoda guracan

. Ra’isul wasaarayaashii dalka Soo maray ee ka so jeeday beesha Daarood, oo uu ku jiro RW Saacid, si kasta o ay u jilcsanaayeen oo ayna wax ugu qaban beesha ay magaceeda kursiga ugu fadhiyeen hadana dhamaadkii waxa mooshin looga keenay ama shaqada looga Eryey inaan hub ahaan loogu isticmaalin dadkoda iyo degaankoda , oo aan lagu bur burin inata ka nabad gashay burbukii 1991 ee ay kooxda Xasan Culusoow gaysteen

Markaad aragto xaaladda gobolka Sool ku jiro sida looga aamusan yahay iyo sida looga xishoon waayey ama lo ixtiraami waayey kursigii beesha Daarood ee 4.5 oo ay Soomaalidu wax ku qaybsato, oo marka xilka laga qaadayo qof ka soo jeeda beeshaas aan haba yaraatee waxba la xeerin oo xitaa marmarsiinyo loo samayn, markii xil loo magcaabayana ay koox ka soo jeeda beesha Hawiye ay raadiyaan mid danahooda ka shaqeeya, danahaas oo ah kuwa guracan oo Mooryaamaysan

Tusaale, Xilkii ugu danbeeyey ee beesha Daarood ka hayeen dawladda Federaalka Somaaliya, wuxuu ahaa Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliya Cabdi Xasan Maxmed (Xijaar), oo maanta xaaladda ka jirta gobolka Sool loo baahnaa khibradiisa iyo isaga oo ka soo jeeda gobolkaas ay ahayd inuu noqdo jaran jaro loo maro xasiloonida iyo baahida gobolka ka jirta. Waxay kaloo ahayd haddii siyaasiyiinta Isaaq ay garab siiyeen Muuse Biixi iyo Somaliland inaan isaga oo midnimada raadinaya aan xilka laga qaadin waqtigan.

Tusaalaha labaad, madaxweynaha Soomaaliya ee la doortaa xaq ayuu u leeyahay ama Dastuurka ayaa u saamaxaya inuu soo magcaabo Raisul wasaare uu ugu talo galo inuu ka shaqeeyo Villa Soomaaliya oo u shaqeeyo Soomaali ama Jikadiisa oo qoyska madaxweynaha u shaqeeyo . Laakiinse waxaan sharci ahayn oo aan la aqbali karin in dhowr Qof oo ka soo jeeda ururka HAG, ay siday doonaan ka yeelaan saamigii ay beesha Daarood ku lahayd dawladda Federaalka Somaaliya, iyaga oo ku gabanaya Caasimadda Soomaaliya.

Magacaabistii ugu danbaysay ee Taliyaha Booliiska ay dhalinyarada HAG uu Mahad salaad ka mid yahay magcaabeen maaha mid ku salaysan sharci ee waa rasaastii lagu cabayn lahaa hubkii ay horay u haysteen ee RW Hamze.

Ugu danbayntii dhowaan ayeey ahayd markii taliye Hijaar ay kooxdani isaga oo qabri dul taagan ay ku khasbeen inuu Ugu Magac-daro Xarunta Ciidanka Haramcad Alla U Naxariistee Generaal Faxraan. Kooxdan HAG, si kasta oo aad ula shaqayso ama ay kuu isticmaalaan lagama yaabo inaad raali geliso sababtoo ah waa niman dagaal kula jira beel Somaaliyeed, hase ahaatee ayna inta badan ee beeshaasi ayna ka war qabin

ALLSANAAG.COM

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*