6th January 2025  admin  Category :

Horjooge ka tirsan ciidamada Farmaajo ee Gedo ayaa sheegay in Soomalia iyo Itoobiya ay yihiin hal dal.

Horjooge ka tirsan ciidanka Itoobiya ee jooga gudaha Soomaaliya ayaa sheegay in Soomaaliya iyo Itoobiya ay yihiin hal dal oo kale.

Sarkaalkaan oo ku sugan degmada Doolow, islamarkaana la hadlayey cutubyo ka tirsan Maleeshiyaadka Farmaajo ayaa sheegay in uusan farqi u dhexeyn labada ciidan, gaar ahaan ciidamada Itoobiya ee jooga gobolka iyo kuwa Soomaalida ee dhowaan geeyey halkaasi.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay inay u taagan yihiin hal calaamad, islamarkaana aysan kala gaar aheyn ciidamadu, sida uu hadalka u dhigay.

Ra’iisal Wasaare ku xigeenka, ahna Wasiirka Arrimaha Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Inj. Xuseen Maxamed Caydiid oo xarunta Villa Somalia kulan kula qaatay odayaal dhaqameedyo ayaa sheegay in Duubabka dhaqanka looga baahan yahay in ay ka qeybqaataan sidii dalka Soomaaliya loo xasilin lahaa.

Xuseen Caydiid waxaa u ka hadlay gacan siinta Dowladda Federaalka ee Ciidamada Itoobiya, wuxuuna ku dheeraaday ammaan uu u jeediyay dowladda Itoobiya iyo Ra’iisal Wasaaraheeda Meles Zenawi. Wuxuu sheegay Xuseen Caydiid in Itoobiya ay abaal u gashay dadka Soomaaliyeed, kaasi oo aaney iloobi karin, wuxuuna carrabka ku dhuftay in Qaxootiga Dibadaha ku maqan ee Soomaaliyeed ay 60% ku nool yihiin dalka Itoobiya, iyagoo qaata Baasaboorka Itoobiya

Wasiirka Arrimaha Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya wuxuu sheegay Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya Meles Zenawi uu canshuurtii laga qaaday dadka Itoobiya uu Soomaaliya wax ugu qabtay, isla markaana uu Ciidamo ugu soo diray, sidaasi darteedna wuxuuna sheegay in ay doonayaan in la baabi’iyo xuduudda u dhaxeysa Soomaaliya iyo Itoobiya, isla markaana ay yeeshaan Hal Baasaboor iyo hal Lacag, sida ay u socdaan Dalalka Midowga Yurub oo kale

Itoobiya a

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*