26th December 2024 admin Category :
Wararka ka imaanaya maamulka SNM saaka ayaa sheegaya in Maleeshiyaadka SNM ay kala dageen gaadiidka dadweynaha Magaaladda Caynaba labo wiil oo Arday Reer Puntland ah ,kuwaas oo ku socday magaaladda Hargeysa.
Maleeshiyaad katirsan Somaliya diidka Hargeysa aya qabtay labadan dhalinyayarada ah iyado an la ogayn halkay geyeen ilaa iyo hadda ,wararka qaar ayaa sheegaya in Hargeysa la geyaay halka Wararka qaarna ay shegayaan in Xabsi la dhigay.
Qabashadda labada wiil ayaa kusoo beegmaysa xili Faysal Cali dhurwaa Abu Daacish uu horey u cadeyaay in la laayo Ardayda Reer Puntland ee ku sugan ama wax ka barata Somaliland.