27th July 2024  admin  Category :

Farmaajo iyo Biixi oo xafiis ka furtay Hadaaftimo.

Magaalada Hadaaftimo ee gobolka Sanaag , oo inta badan Marabbida beesha Isaaq u shaqeeya ay ka soo jeedaan ayaa maalintii shaly markii shirkii Jabuuti socday waxa laga furay xafiis mar marsiiyo looga dhigayo in magaaladaas mar kale ay soo weeraraan maleeshiyadka SNM, oo dhowaan ku dilay dhalinyaro kale oo ka soo jeeday degaanada kale ee Maakhir oo difaacayey magaaladaas,

Ma jirto liidnimo ka xun inaad samayso wax kasta oo aad cadowga ugu fududaynayso in degaankaaga qabsadaan ama kan hadda haysta aad taageero hoose siiso.

Marka Boodhka la surayo magaalada Hadaaftimo waxa ku shirayey magaalada jabuuti maamulka SNM iyo Ururka Nabad iyo Nolol uu hogaamiyo Farmaajo. Labadan kooxood ayaa labaduba waxay diideen in xubnahoodu ka mid noqdaan dad ka so jeeda Maakhir oo masiirkooda looga hadlayo Madasha

Ugu danbayntii Xisbiga Nabad iyo nolol waa ka soo hor jeedaa jiritaanka Maakhir, markhaantina waxa u ah shirkii Jabuuti, Hadaba si aan laysugu dhuumaan oo loo ogaado cidda lacagta ku soo qaadatay mashruucan Nabad iyo Nolol ee amni xumada degaanka loga abuurayo waa in la ogaadaa cidda ay yihiin. Haddii ay yihiin dhalinyarada reer Hadaaftimo waa in magaaladooda difaacdaan oo ciidanka jooga la geeyaa meel kale oo u baahan, Dfgaanada beelha Hawiye oo Soomaali wixii soo gala oo dhan lagu maal geliyo xitaa arki mayso meel boodhkan oo kale lagu xayeesiinayo.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*