27th July 2024  admin  Category :

Murashax reer  Puntlland ah  ee ka soo jeeda beesha Cali Saleebaan ayaa  loo diiday inuu ka khudbadeeyo Barxadda Qardho, halka Murashaxiinta beesha Cismaan Maxamuud shalay oo u danbaysay ay ka khudbadeenayeen. Ilaa hadda ma jiro siyaasi reer Puntland ah oo arintan foolxumada ah  ka hadlay

Qaar ka mid ah Murashaxiinta beesha Cismaan Maxamuud ee aamnisan in markani tahay markoodii,  ayaa  hadda waxay  leeyihiin haddaanu ku  guulaysano  hogaanka Puntland waxaanu Qardho ku casumaynaa Gacan ku dhiigle Muuse Biixi . Murashaxiinta Cimaan  Maxamuud ee amarka ku bixiyey in Faarax Cali Shire uuna  barxadda Qardhu ka khudbadayn ayaa ku xisaabtamaya Xildhibaanada Beelaha Dhulbahante iyo Warsangeli oo ay aaminsan yihiin inay laaluushi doonaan, ka dibna ay Muuse Biixi Qardho keeni doonaan. 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*