22nd December 2024 admin Category :
Nimanka Gaalkacayo jooga oo lacagta baadda ah lagu siinayo inay reer Puntland ay nabad geliyaan , oo madaafiicda Baraxleey laga soo tuurayo ka yareeyaan, waxa Soomaalinimo iyo Puntlandnimo uga dhow nimanka wadani sheeganaya ee Ceerigaabo jooga. Maanta haddii nimakaas Soomaalinimada aaminsan wada hadal loo furi lahaana in badan oo reer Mudugta Guriga madow heshiiska kula galay Cabdi qaybdiid waa qaylin lahaayeen
Heshiska Galkacayo, Puntland waxay u martay wado khaldan, 3 wasiir oo gobolka Mudug ka soo jeedaa inay heshis noocaas ah galaan waxay ahayd wax khaldan oo aan dawladnimo ahayn waa khalad iyo ka fiirsasho la’aan, waayo arinta Galkacayo waa masiirki Puntland, waxay ahayd in heshiiskaas ay goob joog ka ahaadaan Odayal ka socda beelaha Harti, oo ah kuwa marka Mudug lagu soo duulo wiilashooda halkaa u diraa, si ay u difaacaan reer Mudug, Barlamanka Puntland xubno ka socda, golaha wasiirada xubno ka socda oo isku dhafan iyo bulshada rayid ka ah.
Sida marka difaacana loo bahan yahay ay reer Puntland uga wada qayb galaan bay ahayd in heshiiskana laga talo galiyo. Arinta miyan laga rabin xal waara. Berito marka Cabdi qaybdiid iyo indho cade heshiiska jebiyaan maxaa loo sheegi doonaa reer Bari iyo Puntland inteeda kale