26th July 2024  admin  Category :

 Madaxweyne Farmaajo oo ugu baaqay dalalka martigeliya qaxootiga in ay siiyaan adeegyo lamid ah kuwa ay dadkooda helaan

 KAMPALA, Uganda (23ka Juun, 2017) – Madaxweynaha oo khudbad ka jeedinayay shirka labada malamood ka socda Kampala ayaa yiri “Waxaan maanta la kulmay ganacsato Soomaaliyeed oo deggan magaalada Kampala, kuwaas oo ii sheegay, in ay haystaan xornimo ay ku ganacsadaan, guryo ku iibsadaan, ugana qeyb qaataan horumarka dhaqaale waddankan. Taasi waxay mar kale caddeyn u tahay in Soomaalidu ay yihiin dad leh adkeysi iyo hal abuur ganacsi.”

Madaxweynaha ayaa sheegay in horumarka ay ku tallaabsadeen ganacsatada Soomaaliyeed ee ku nool dalkan ay muujineyso soo dhaweynta iyo martigelinta wanaagsan ee ay kala kulmeen dadka reer Uganda.

“Waxaan ugu baaqayaa dalalka martigeliya qaxootiga in ay siiyaan fursado lamid ah kuwa ay dadkooda siiyaan, ayna u ogolaadaan qaxootiga in ay is hormariyaan.” Ayuu yiri Madaxweynaha.

Uganda ayaa haatan martigelisa qaxootiga ugu badan qaaradda Afrika oo tiro ahaan ku dhaw hal milyan. Qaxootiga Soomaaliyeed ee xeryaha dalkan ku jira ayaa iyagana lagu qiyaasaa in ay ku dhawyihiin 50 kun, kuwaas oo intooda badan ku nool xeryo ku yaalla Galbeedka dalkan.

Wafdiga Madaxweynaha waxaa kamid ah xildhibaanno ka tirsan Aqalka Sare iyo Golaha Shacabka oo shalay booqday xerada qaxootiga ee Nakivale, si ay ugu kuur galaan nolosha qaxootiga Soomaaliyeed ee ku jira xeradaas.

DHAMMAAD

Wixii faahfaahin ah kala xiriir,

Cabdinuur Maxamed Axmed
Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada
E-mail: media@presidency.gov.so
Mobile: +256 704 975163

 

Sawirka Villa Somalia.

 

Sawirka Villa Somalia.
Sawirka Villa Somalia.
Sawirka Villa Somalia.

 

Sawirka Villa Somalia.
Sawirka Villa Somalia.
Sawirka Villa Somalia.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*