29th March 2024  admin  Category :

Hoggaamiyeyaasha nool ee muddada ugu dheer xukunka haya guud ahaan caalamka

Madaxweynaha Equatorial Guinea, Teodoro Obiang Nguema oo hoggaaminaya xisbigiisa PDGE, ayaa dib ugu soo laabanaya awoodda ka doorashadii guud ee dhacayday November 20, 2022, taasoo siinaysa siyaasiga fursad uu ku sii wato 43-dii sano ee uu xukunka hayay.

Waxa jira hoggaamiyeyaal sannado badan soo xukumayay balse dhintay, waxaana ka mid ah Fidel Castro oo Cuba xukumayay 49 sano, madaxweynihii ugu horreeyay ee Taiwan Chiang Kai-shek, waxa uu ahaa hoggaamiyaha jasiiradda muddo 47 sannadood ah ilaa uu geeriyooday 1975-kii.

Aasaasihii Kuuriyada Waqooyi, Kim Il-sung waxa uu xukumayay 46 sano ka hor inta aanu ku dhiman 1994-tii isagoo xukunka haya.

Kuwa kale waxaa ka mid ah Enver Hoxha oo Albania xukumayay 40 sano ilaa uu geeriyooday 1985, Mucamar Al-Qadaafi oo Liibiya majaraha u haayya ilaa uu dhintay 2011, waxa uu xukumayay 42 sano, Cumar Bongo Ondimba oo Gabon u dhashay kaas oo xukunka hayay 41 sano ilaa uu geeriyooday 2009 iyo Robert Mugabe oo Zimbabwe xukunka u hayay 37 sano laga soo bilaabo 1980-kii, ka hor inta uusan xilka ka dagin 2017-kii ka dibna wuu geeriyooday.

Marka laga soo tago hoggaamiyeyaashaas geeriyooday ee xukunka muddada dheer hayay waxaa jira kuwa nool oo dalalkooda hoggaaminaya muddada ugu dheer guud ahaan caalamka.

6: Cali Hosseini Khamenei – Iran – 33

Cali Hosseini Khamenei - Iran – 33

Ali Khamenei, wuxuu dhashay 19-kii Abriil, 1939, waa hogaamiyaha labaad ee hadda jira ee Iran. Isagoo xukunka haya tan iyo 1989, oo hadda 33 sano laga joogo.

Waxa uu hore u soo noqday madaxweynihii saddexaad ee Iran intii u dhaxaysay 1981-1989. Marka laga reebo inuu yahay hogaamiyihii shanaad ee ugu xukunka dheeraa, Khamenei waa hogaamiyaha ugu xukunka dheer bariga dhexe.

In kasta oo uu ahaa hoggaamiyihii labaad ee Iran ee ugu xukunka dheeraa tobankii sano ee la soo dhaafay, waxaa ka dambeeyay Shah Mohammad Reza Pahlavi.

Nidaamka dowladda Iran waxa uu leeyahay hogaamiye, ka dibna waxaa hoos taga Madaxweynaha, oo hadda ah Ebrahim Raisi oo xilka qabtay 2021-kii oo uu kala wareegay Hassan Rouhani oo xukunka hayay 8 sano.

5: Yoweri Museveni- Uganda -32

Yoweri Museveni- Uganda -32
Qoraalka sawirka,Yoweri Museveni- Uganda -32

Yoweri Kaguta Museveni , waxa uu degmada Mbarra ee Uganda ku dhashay 1944  waxa uu ahaa madaxweynaha Uganda tan iyo 1986. 

Waxa uu bilaabay dhaqdhaqaaq uu ku doonayo in uu xukunka ku yimaado isaga oo musaafuris ku jooga Tanzania 1971-kii isaga oo aasaasay kooxdiisii ​​FRONASA, isaga oo bilaabay dhaqdhaqaaq uu xilka kaga qaadayo madaxweynihii talada hayay Idd Amini.

Halgan ku dhawaad ​​5 sano ah ayuu hogaaminayay, waxaa la sheegay in uu ku bilaabay 27 qori. Wuxuu noqday wasiirka gaashaandhigga iyo hogaamiye sare oo ka tirsan ciidamada Uganda.

Waa mid ka mid ah madaxweynayaasha fara ku tiriska ah ee soo maray qaarada Afrika oo xukunka hayay in ka badan 30 sano. Malaha saddex meeloodow meel dadkiisu waxay marqaati ka ahaayeen hal madaxweyne.

4: Hun Sen – Cambodia -33

Hun Sen – Cambodia -33
Qoraalka sawirka,Hun Sen – Cambodia -33

Hun Sen, waxa uu dhashay 1952-kii, waa Ra’iisal-wasaaraha hadda ee Cambodia, waana hoggaamiyihii ugu muddada dheeraa dalka kaas oo soo xukumayey tan iyo markii uu xukunka qabtay 1985-kii, waxa uu ka mid yahay hoggaamiyeyaashii ugu muddada ugu dheeraa xukunka dalkaas  isagoo sidoo kale ah madaxweynaha xisbiga CPP iyo xildhibaanka baarlamaanka ee Kandal.

Nidaamka dowliga ah ee Cambodia waxaa madax ka ah boqortooyo, iyadoo Ra’iisul Wasaaruhu uu yahay hogaamiyaha ugu sarreeya dhammaan arrimaha dowladda iyo howlaheeda.

Sannadkii 2014-kii, markii ay soo baxeen warar sheegaya in xaaladiisa caafimaad ay hoos u dhacday, ayaa waxaa uu sheegay in uusan wax dhibaato ah qabin, isla-markaana uu yahay qofka kaliya ee dalka hoggaamin kara, ciidankana gacanta ku dhigi kara, la’aantiisna uu dalku burburi lahaa.

3: Denis Sassou-Nguesso – Congo – 35

Denis Sassou-Nguesso – Congo – 35
Qoraalka sawirka,Denis Sassou-Nguesso – Congo – 35

Madaxweyne Nguesso wuxuu xafiiska ku sugnaa muddo 35 sano ah, isagoo markii ugu horreysay xilka hayay intii u dhaxeysay sannadihii 1979-kii ilaa 1992-kii, ka hor inta uusan xilka ku noqonin sannadkii 1997-kii, ka dib markii uu dhammaaday dagaalkii sokeeye.

Waxaa markii dambe dib loo doortay bishii Maarso ee sannadkii 2016-kii.

2: Paul Biya – Cameroon – 40

 Paul Biya – Cameroon – 40
Qoraalka sawirka,Paul Biya – Cameroon – 40

Biya waxaa loo aqoonsan yahay hoggaamiyaha Afrikaanka ah ee ugu muddada dheer, isagoo xilka madaxtinnimada Cameroon hayay tan iyo 6-dii bishii Nofembar ee sannadkii 1982-kii.

Wuxuu awood yeeshay intii uu jiray maamulkii madaxweynihii hore ee dalkaas Ahmadou Ahidjo, xilligaas oo uu ahaa xog hayaha guud ee madaxtooyada, laga soo billaabo 1968-kii ilaa 1975-kii.

Kadibna wuxuu noqday ra’iisul wasaaraha Cameroon intii u dhaxeysay sannadihii 1975-kii ilaa 1982-kii.

Wuxuu xilka kala wareegay Ahidjo ka dib markii uu iscasilaad lama filaan ah qoray sannadkii 1982-kii.

1: Teodoro Obiang Nguema Mbasogo – Equatoria Guinea – 43

Teodoro Obiang Nguema Mbasogo – Equatoria Guinea – 43
Qoraalka sawirka,Teodoro Obiang Nguema Mbasogo – Equatoria Guinea – 43

Obiang wuxuu afgambi milatari ku riday adeerkiis, Francisco Macías Nguema, bishii Agoosto ee sannadkii 1979-kii, tan iyo xilligaasna wuxuu xukumayay dalka Equatorial Guinea.

Xukunkiisa waxaa markii hore loo tixgaliyay inuu dhanka bani’aadanimada ku dhaamo xukunkii adeerkiis, balse markii dambe waxaa soo kordhayay dhaleeceyn loogu jeedinayay inuu arxan daran yahay.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*