26th July 2024  admin  Category :

Gurigii ay Muqdisho ka deganayd Caasho Axmed Cabdalle ayaa waxa bililiqaysay mid ka mid ah Moryaanta caan baxday ee Muqdisho
Gurigan oo ay lahayd wakaaladdii Somali Airlines, ayaa waxa uu ahaan jiray  mid aad u dayacan. Laakiinse waxa lacag badan oo lagu dayac tiray geliyey Xildhibaanad Caasha Cabdalle iyo madaxdii iyo Bayloodyadii Somali Airlines kuwoodii ugu caansanaa

Sadex cisho ka hor ayaa waxaa gurigii  yimid,  nin yiri  guriga waxa raba inuu dego Ahmed Ali Dahir oo ah  xeer ilaaliyaha Qaranka Soomaaliyeed  ee sida ugu dhakhsaha badan guriga  uga guura

Xaaji Dhagax oo ahaa Bayloodkii   Soomali Airlines oo  guriga qayb ka deganaa ayaa  yiri “Adeer ma i garanaysaa guriga anagaa degan ee raali noqo,  waana hantidii Soomali Airlines hawl wadeenadeedana ka mid baan ahay”. Intaa markuu yiri Baylooodkii Qaranka Xaaji dhagax, ayaa Mooryaankii faiinta ka waday xeer ilaaliyaha wuxuu ugu jawaabay aflagaadoo iyo hadal Mooryaameed i

Xaaji dhagax ayaa ahaa  Bayloodkii  ugu caansanaa Soomali airlines, waana Bayloodkii diyaaraddi Somali Airline ka   gudbiyey badweyna Atlantic. Wuxuu mudnaa sharaf Cis iyo Ixtiraam
Shalay oo ay bishu  ahayd 8 30 2016,  ayaa Guuto ka mid ah maleeshiyo beeleedka Muqdisho oo u qaabilsan bililiqada iyo la wareega hantida Qaranka Soomaaliyeed ee umadda ka wada dhaxaysa iyo hantida  beesha Daarood ay  Muqdisho ku lahaan jiray,  waxay xoog ku yimaadeen Gurigii Somali Airline,  alaabtii guriga taalay  waa  jejebiyeen,  waxayna horay u sii qaateen . Alaabii guriga sida kuraastii, miisaskii, sariirihii , computeradii , document iyo alaabo  kaleba ilaa hadda lama oga meeshii ay ku danbeeyeen
Guryaha Soomali AIrline waa AFAR, waana hanti Somaaliyeed

ALLSANAAG.COM

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*