18th April 2024  admin  Category :

Soomaalida iyo caalamka intiisa kale Musuqmaasaqa iyo xatooyada xoolaha  dadweyne si uma wada yaqaaniin.

Nin ayaa waxa uu teggay magaalo ka mid ah dalka Soomaaliya, markii uu teggay magaaladii ayuu raadiyey guri weyn oo uu kiraysto. Ninkii waxa uu ku wareegay magaaladii si uu u helo guri wannaagsan, waxaana ninkii uu soo arkay guryo badan.

Hase ahaatee, markii ugu danbeeysay ayaa ninkii waxaa la tusay gurri weyn oo uu lahaa nin xil wasiir soo qabtay; Ninka wasiirka soo qabtay ayaa la sheegay inuu xilka hayey muddo sannad ah, guriga uu dhistay ninkaas wasiirka soo noqday ayaa waxaa lagu qiyaasay lacag ka badan bqoqol iyo kontan kun oo doolar.

Ninkii gurriga kiraysan lahaa ayaa waxa uu oggaaday in ninka wasiirka soo noqday muddada sanadka ah uusan mushahaar ahaan u helli karin lacagta uu guriga ku dhistay. Hadaba, ninkaas ayaa lacagta uu gurriga ku dhistay ka dhacay shacabka masaakiinta ah, laakiin dadka waxeey u arkaan nin sharaf leh oo lacagtaas shaqaystay.

Wax yar kadib, ninkii guriga kireeysan lahaa ayaa waxa ay ishiisu ay qabatay guri qurux badan kaas oo ku dhaganaa gurigii uu rabay inuu kireeysto. Dadkii ayuu weeydiiyey gurigii indhihiisu ay qabteen, balse dadkii ayaa u sheegay in guriga uu bannaan yahay, laakiin uu yahay gurri lagu dhisay lacag xaaraan ah oo burcad baddeed ka timid.

Intaa kadib ayaa ninkii waxaa loo geeyey guri kalle kaasoo uu lahaa nin xamaalato ah, balse weligii aan cunnin wax ay dadka kalle leeyihiin. Ninka guri iska leh ayaa inta badan dadka doonaya ineey kireeystaan gurigiisa waxa uu weeydiiyaa su’aalo dhawr ah oo ay kamid yihiin waxa uu ka shaqeeyo si uu u oggaado inuu qofka xaaraan cun yahay iyo in kalle. Hadaba, ninkii guriga doonayey iyo ninkii guriga lahaa ayaa is afgartay maadaama labadaba ay ahaayeen dad aan xaaraanta cunnin.

Balse arrinta la yaabka leh ayaa waxa ay tahay sida dadka Soomaaliyeed ay u arkaan dadka dhaca ama booba hantida shacabka. Soomaalida waxeey u arkaan kan hantida shacabka dhaca nin rag ah oo caqli badan, waxa uu ummadda ka dhacaayaana ay u yihiin xallaal, laakiinse waxeeysan oggeen sida ay khatar u tahay boobka hantida shacabka. Haddii kii burcad baddeedka ahaa ay wixiisa xaaraan yihiin, kan xil shacab qabtay oo shacabka dhacay isna waa ineey xoolihiisa noqdaan xaaraan.
Ugu danbayntii, sanad walba dalka ugu musuqmaasaq badan caalamka oo dhan Soomaaliya ayaa kow ka ah. Iyada oo sidaas tahay weli lama hayo Wasiir, Agaasime iyo Taliye Soomaaliyeed oo loo soo  xiray Imusuqmaasaq iyo xatooyo xoolo Dadweyne , Bulshada dhexdeeda kuma noola nin ama naag lagu takooray lacag ay  musuqmaasaqeen iyo xoolo dadweyne oo ay xadeen  , ma jiro qoys Soomaaliyeed  la leeyahay yaan laga guursan sababtoo ah xaaraanta iyo xalaasha ma kala yaqaaniin, oo umadda lacagteedii bay dhaceen . Hadaba soo lama oran sida caalamku u yaqaaniin musuqmaasaqa Soomaalidu uma taqaano, oo kooda wax xada waa fariid, waxayna ugu abaal gudaan xilkii uu horay u hayey mid ka sii fiican oo ay lacag uu xadaa ay ka ag dhowdahay.

Hawlaha Arlada Haddii Lagugu Aamino

Allsanaag.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*