26th July 2024  admin  Category :

Nuurto Culusoow wiilkii ay Sodohda u ahayd oo Gudoomiye loo magcaabay

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Culusoow  Gabadhii uu abtiga u ahaa Wiilkii qabay oo siyaasadda ku soo galay Xididnimada Reer Culusoow, ayaa loo magcaabay Gudoomiyaha gobolka Banaadir oo ay ku taal caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho

Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa goor dhow ansixiyay magacaabista Taliyaha Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.

Kulan xasaasi ah oo u socda Golaha Wasiirada ayaa lagu horkeenay soo jeedin ku aadan magacaabis xilal, iyadoo kulanka laga akhriyay warbixin.

Taliyaha Nabadsugida ayaa loo magacaabay Xildhibaan C/llaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe oo horay xilkan u soo qabtay.

Sidoo kale Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa loo magacaabay Taabid Cabdi oo Xasan Culusoow oo sodogiisa horay ugu magcaabay  Safiir kuxigeenka Soomaaliya ee Mareykanka, horayna u soo noqday Agaasime kuxigeenka Madaxtooyada.

Waxaa kaloo la magacaabay Taliyaha Ciidanka xoogga dalka oo loo magacaabay Jen, Axmed Maxamed Jimcaale Cirfiid, halka Abaanduulaha ciidanka xoogga dalka loo magacaabay Jen, C/llaahi Cali Caanood.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*