26th July 2024  admin  Category :

Waa maxay shaqada Godoomiyaha golaha wakiilada Somaliland?

Godoomiye Xisbiga beelaha Garxejis, oo ah gudoomiyaha ugu waqtiga dheer beelaha Isaaq iyo Soomaalida inteeda kaleba, ayaa xilkan mar walba dib loogu so doortaa marka uu aflagaadeeyo ama ku Edeb daroodo beel ka mid ah Beelaha Soomaaliyeed. Laga soo Bilaabo maalintii uu ku yidhi beelha Hawiyaha Itoobiyaankaan ka jeclahay.

Gudoomiyahan ugu waqtiga dheer xisbiga Garxejis ee beesha Isaaaq ku midaysan yihiin, mar walba ku xigeenkiisu waa nin ka soo jeeda Beesha Dhulbahante, Xisbiganu wuxuu wakiil ku leeyihiin degmada Laascaanood ee Gobolka Sool. Maanta isaga u khudbadeenaya beeshiisa Isaaq, si ay mar kale u sii dalacsiiyaan ayuu yidhi sidan isaga oo ka hadlaya Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland ” Soo erya Axmed Karaash reer Puntlandoow waa Baashahan Dhulbahante ee na ag jooga”

Gudoomiyihii, hadlakan lagu yidhi, madaxdii maamulkaa, Xildhibaanadii maamulkaas, ma jiro ilaa hadda Cid ka hadashay ama Mooshin kaeentay

Gudoomiye ku xigeenkii Xisbiga Ucud iyo xubnihii Xisbiga UCUD, iyaguna kama hadlin arintan oo kama ayna hadlin in xilka laga qaado Gudoomiyahan Edeb darooday . Sababtuna waa Dastuurka SNM ee ah in Somaliland Isaaq gaar u leeyihiin Hartiga Hargaysa joogaana ay Marti yihiinn oo xitaa Gudoomiyuhu Maqaar saar yahay caalamku loogu dawersi tago in Somaliland loo dhan yahay

Ugu danbayntii Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland iyo Marabida Harti ee Hargaysa joogta horaa loo ogaa waxa ay yihiin iyo dhaqankooda , sidoo kale In Isaaq ay leeyihiin maamulka Somaliland horaa loo ogaa, ee waxay ummad badan sugayaan Koxdii reer Puntland ee lahayd Axmed Karaash ayaa Garowe Dhiig ku daadinaya jawaabta ay ka bixiyaan hadalkan Edeb darada ah ee Siyaasiga Garxejis uu maanta sheegay. Ciidankii Garowe Gubi lahaa ma ka saaro doonaa Laascaanood UCUD.

Faysal Cali Waraabe Muxuu Kala Kulmay Hargeysa Kadib Kulankiisii ...

ALLSANAAG.COM, NEWS

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*