31st October 2024 admin Category :
Maxaynu ka baranay marka madaxdu Qaranka wada gaardiyaan? Maxaa dhaca maalmaha ka danbeeya,?
Madaxda Soomaalidu ee Dawladda dhexe inta badan lama arko iyaga oo ka shiraya xaalad kasta uu dalku ku jiro. Maalmahan sidaad la socotaan waxa caalamka oo dhan madaxdiisu Mucarad iyo muxaafidba ku heshiiyeen sidii ay ugula dagaalami lahaayeen dalalkooda xanuunka Coronavirus (COVID-19). Madaxada Soomaalida lama araga iyaga oo ka shiraya xanuunkan sida caalamka intiisa kale
Laakiine waxa horay loo arkay, hadana loo jeedaa iyaga oo ka shiray arimo markaa taagan oo la doonayo in la socodsiiyo oo ay dan siyaasadeed ugu jirto qaar ka mid ah madaxda Qaranka. Inta badan dantaa siyaasadda ah oo gaarka ah waxa lagu socodsiiyaa lacagtii caalamku ugu deeqay umadda Soomaaliyeed
Markii kowaad ee madaxda Qaranku wada shiraan, oo iyaga oo gaardinaya sawir laga qaaday waxay ahayd abaabulkii Xilka looga qaadayey Gudoomiyihii hore ee Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Cismaan Jawaari
Markii labaad waxay ahayd sanadkii hore markii la rabay in Kursiga maamulka Koonfur galbeed la saaro Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen)
Markii xigtay waxay ahayd dhowaan oo waa markii la doonayey in Axmed Qoor qoor loo galbiyo hogaanka maamulka Galmudug.
Ugu danbayntii madaxda Qaranku shalay ayeey kulmeen, waana is afgarteen waana markii la doortay Gudoomiyaha Baarlamaanka Koonfur galbeed Safiirkii hore eee Midowga Yusub ee Soomaaliya Dr Cali Siciid Fiqi.
Allsanaag.com