26th April 2024  admin  Category :

Gudigii Gurmadka Abaaraha ee Deegaanada Degmada Waaciye oo wejigii Kowaad ee Gurmadka Soo Afmeeray(Sawiro).

Gudigii Gurmadka Abaaraha deegaanada Degmada Waaciye ee Puntland ayaa Safarkoodii Shaqo Soo Afmeeray,ka dib maalmo Shaqo ah oo ay ku sugnaayeen Maagaalooyinka Waaciye,Dalweyn,Juurile iyo Xidda iyo weliba dhulka Miyiga ah ee Hareeraha ka xiga Magaalooyinka kor ku xusan.

Gudigan oo Safarkooda soo Afmeeray ayaa Warbaahinta Raadreeb.com uga warbixiyey Saameyntii Abaarta ee  ay indhahooda kusoo arkeen iyagoona si weyn uga deyriyey Xaalada Nololeed ee ay ku jiraan dadka Reer Guuraaga Ah ee ku dhaqan Deegaanada ay Wafdigu Booqdeen.

Caaqil Ceynaanshe Camale Xuseen oo Wafdiga ka Mid ahaa Ayaa Waramaya Xaaladihii Nololeed ee Deegaanada ay Booqdeen ay kusoo arkeen, Wuxuna Waraysigu u dhacay Sidan Hoose ku Qoran:-

S-Ceynaanshe Muxuu Safarkiinu ku Salaysnaa?

J-Safarkayagu Wuxu ku Saleysnaa Sidii aan ugu kuurgeli lahayn dhibaatadii ka dhalatay Abaarta ka jirta deegaanada Degmada Waaciye?

S-Maxaad kusoo Aragteen Deegaanada Aad Booqateen ee Abaartu ka jirtay Ama ay Saameysay?

J-Runtii Abaar daran ayaa ka jirtay Deegaanada Miyiga ah ee aan Booqanay,Dadka Waxa ka dhaamaday Xoolihii,dadka iyo Xooluhuba Waxay u Baahan yihiin Biyo,Baad.

S-Maxay tahay Baahida ugu Weyn ee dadka Haysata?

J-Runtii Waa Su’aal aad Muhiim u Ah,Baahida ugu Weyn ee Xiligan Haysata Dadkan Reer Guuraaga Ah Waxa Weeyaan,inay Guuraan oo meel Roob Leh u guuraan ayay rabaan balse Mahaystaan Dhaqaalihii ay Baabuur ku kiraysan Lahaayeen oo ku Guuri lahaayeen,maadaama intooda badan Xoolihii ka dhamaadeen,Qaarkoodna ay kasoo xeeroodeen Miyiga ka dib markii ay abaarta ku xoolo Beeleen.

S-Maxaad Baaq Udireysaa Bulshada Deegaanadan kasoo Jeeda ee ku kala Nool  Gudaha dalka iyo Qurba Joogtaba?

J-Waxaan Baaq Ugu Diraynaa Inay Gurmadka Walaalahooda abaartu Saameysay kasoo Qeybtaan oo ay Caawiyaan oo La Isu Naxariisto, Si Gaar Ah Waxaan Baaq Ugu Diraynaa Walaalaha Shirkadaha Leh ee Dhaqaalaha Alla Siiyey in ay Zakada Xoolahooda ay ka bixiyaan ay Walaalahooda ku Caawiyaan,Sababtoo ah Waxay Helayaan Labo Ajar oo kala Ah Midkii Alle u balanqaaday ee Zakada iyo Midkii Qaraabo Caawinta.

Sidoo Kale Qurba Joogta Waxaan Leeyahay Wakhtigan Waa Wakhtigii  La Iscaawini Lahaa Fadlan Kasoo Qeybqaata Gurmadka.

Runtii Wey ku Mahadsanyihiin Jaaliyadaha Qaarkood oo Dhaqaale Lacageed Soo diray Sida Jaaliyada ku dhaqan dalka Ingiriiska iyo Weliba Jaaliyada Maraykanka oo iyana La Rajaynayo inay soo diraan.

S-Ugu Damayn Dadkan Reer Guuraaga Ah ee Abaartu Sida Xoogan U Saameysay Meeqa Qoys ayay ka Kooban yihiin?

J-Qiyaastii Waxay ka Kooban yihiin Ku Dhowaayd 120-Qoys haba sii kala Darnaadeene,balse anaga ka gudi ahaan Wixii Aan Awoodney ee Naloo Wakiishay Waan gaarsiiney,Waxaana ugu Qeybinyey Qoys Weliba 120$,si Nolosha Maalmo Loogu Maareeyo.

Isku Soo Wada Duuboo Gudigan oo Warbaahinta Raadreeb.com ay  Ugu Magac dartay Gudiga Muxsiniinta Ah ee Gurmadka Abaaraha Deegaanada Degmada Waaciye ee Puntland Ayaa Soo Afmeeray Wejigii Kowaad ee Gurmadka Abaaraha iyagoona Isu Diyaarinaya Wejigii Labaad ee Gurmadka Loo Sameynayo Dadka iyo Duunyaba ay Abaaruhu Saameeyeen.

Mahadsanidiin.

Waa Habayntii iyo Isku Dubaridkii iyo Weliba Farsamadii C/laahi Maxamed Yusuf(Sayidka) iyo Axmed Shabac iyo Weliba Gudiga Gurmadka Abaaraha ee Deegaanada Degmada Waaciye.

Halkan Hoose Ka Daawo Sawiro Laga Soo Qaaday Saameynta Abaarta ee Xoolaha,Qaar Kood Waa Bakhtiyeen Qaarkoodna Wey ku daba jiraan.

 

Comments/Fikirkaaga

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*