18th April 2024  admin  Category :

Guddoomiyihii hore ee gobolka Gedo oo ka ambabaxay maanta magaalada Muqdisho

Guddoomiyihii hore ee gobolka Gedo Cismaan Nuur Xaaji Macalimuu ayaa gelinkii dambe ee maanta ka dhoofay garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho isagoo ku sii jeeda gobolka Gedo.

Cismaan Nuur Mucalimuu guddoomiyihii hore ee Gobolka Gedo ayaa dhowaan laga celiyay inuu ka dhoofo garoonka taasi oo keentay in Ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble uu xilalkii ka qaado taliyaha nabad sugidda garoonka iyo agaasimaha shaqaalaha hay’adda nabadsugidda Qaranka.

“Waxaan u mahadcelinayaa ra’iisul wasaare Rooble tallaabadii uu ka qaaday saraakiishii isku dayday inay jebiso amarada dowlada,waxaana ku faraxsanahay inaan ka ambabaxo garoonka diyaaradaha Aden Cadde iyadoo aysan jirin cid is hortaag igu sameynaysa.” ayuu yiri Cismaan Nuur Xaaji Mucalimuu oo warbaahinta kula hadlay garoonka diyaaradaha.

Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed oo uu wehliyo taliyaha saldhigga garoonka Aadan Cadde ayaa sagootiyay Cismaan Nuur Xaaji Mucalimu, oo ahaa guddoomiyihii hore ee Gobolka Gedo oo maanta gelinkii dambe ka dhoofay garoonka Aadan Cadde.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*