18th May 2024  admin  Category :

Siciid Cabdi Muumin oo ku guuleystay Guddoomiyaha Xafiiska Difaacaha Xuquuqda Aadanaha Dawladda Puntland

Wareega 3-aad ee cod-bixinta Guddoomiyaha Xafiiska Difaacaha Xuquuqda Aadanaha Dawladda Puntland oo ay ku tar-tameen labada Musharax, waxaa ku guuleystay Guddoomiyaha Xafiiska Difaacaha Xuquuqda Aadanaha Dawladda Puntland Siciid Cabdi Muumin oo helay 34 Cod, halka Maryan Axmed Cali heshay 28 Cod.

Waxaana Maxkamadda sare ee Dawladda Puntland u dhaariyeen xilka maanta loo doortay.

Waxaa codeeyay 62 Xildhibaan, cod qarsoodi.

Maxkamadda sare ee Dawladda Puntland ayaa Siciid Cabdi Muumin oo ku guuleystay Guddoomiyaha Xafiiska Difaacaha Xuquuqda Aadanaha Dawladda Puntland u dhaarisay xilkaas.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*