26th July 2024  admin  Category :

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Qatar

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta Xafiiskiisa Villa Hargeysa ku qaabilay danjiraha Dawladda Qatar u fadhiya Soomaaliya Danjire Dr. Abdalla bin Salim Al Nuceymi.

Kulanka Guddoomiye Sheekh Aadan iyo Danjiraha ayaa looga hadlay xiriirka labada baarlamaan iyo wadashaqeyntooda.

Sidoo kale waxaa looga hadlay sidii dowladda aan walaalaha nahay ee Qatar ay kaalin uga qaadan laheyd aqoon kororsiga Xildhibaannada iyo howl-wadeenada Golaha Shacabka, waxaana uu Guddoomiyuhu xusay in Dowladda iyo shacabka Qatar ay kaalin weyn ka soo qaateen dib u dhiska dalka.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*