26th July 2024  admin  Category :

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA OO LA KULMAY BOQORKA DALKA LUXEMBOURG.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa lagu soo dhoweeyay Aqalka Boqortooyada dalka Luxembourg waxa uuna halkaasi kula kulmay Boqor Albert FĂ©lix Marie Guillaume oo Luxembourg Maamula.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo ka mahad celiyay soo dhaweynta loogu sameeyay Aqalka Boqortooyada dalka Luxembourg isaga iyo wafdigiisa ayaa xusay in ay muhiim tahay adkeynta xoojinta xiirirka labada dal ee Soomaaliya iyo Boqortooyada Luxembourg.

Sidoo kale guddoomiyaha iyo boqorka ayaa ka wada hadlay abaaraha saameeyay dalka islamarkaana dad badan oo isugu jira xoolo dhaqato iyo beeralay ay ku hanti beeleen,waxa uuna Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe sheegay in isaga iyo boqorka Luxembourg ay ku balameen taageerada Luxembourg ee dadka ay abaaraha saameeyeen

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*