27th April 2024  admin  Category :

Shirka Golaha Wasiirrada oo lagu ansixiyey Guddiga maamulka Hay’adda qaran ee naafada Soomaaliyeed

Shirka Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo uu shir guddoominayay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa lagu ansixiyey Guddiga sare ee maamulka Hay’adda Qaran ee naafada Soomaaliyeed, xubin ka bannaan guddiga madaxa bannaan ee xuduudaha iyo federaalka iyo xubin laga saaray guddiga maamulka hay’adda batroolka Soomaaliyeed.

Golaha Wasiirrada ayaa warbixinno la xiriira amniga guud ee dalka ka dhageystay Wasiirrada Amniga Gudaha iyo Gaashaandhigga, waxayna tilmaameen in ciidanka Qaranku ay u diyaarsanyihiin sidii loo xaqiijin lahaa amniga iyo xoreynta dalka.

Xubnaha Golaha Wasiirrada ayaa si wadajir uga tacsiyeyeey geerida Guddoomiyihii degmada Hodan ee Gobolka Banaadir oo xalay ku geeriyooday fal nasiib darro ah oo ka dhacay Muqdisho, waxayna fareen hay’adaha ammaanka in baaritaan dhab ah lagu sameeyo sababaha keenay dhacdadan.

Wasaaradda Caafimaadka ayaa golaha la wadaagtay warbixinnadii ugu dambeeyey ee caabuqa karoona iyo dadaalka ay waddo dowladdu ee la xiriira sidii bulshada looga wacyigelin lahaa dhibaatada uu leeyahay xanuunkan.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*