29th March 2024  admin  Category :

Lafta Gareen oo qaabilay guddiga KMG ee gargaarka dadkii beesha Isaaq soo tarxiileen

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa qasriga Madaxtooyada magaalada Baydhabo ku qaabilay Guddiga ku-meel gaarka ee gargaarka dadkii laga soo  musaafuriyey Magaalada Laascaanood ee Maamulka Soomaliland.

Mudane Cabdicasiis Laftagareen ayaa ugu horeyn Guddiga ka dhagaystay warbixin ku qotonta waxyaabaha u qabsoomay iyo Socdaalkii ay ku tageen Magaalooyinka Gaalkacyo iyo Garoowe ee Dowlad Goboleedka Puntland, waxaana ay tilmaameen Guddiga in  ay ku guuleysteen sidii dadkii laga soo musaafuriyey Magaalada Laascanood ay dib ugu soo celiyaan Magaalada Baydhabo iyo sida Dib udejin ugu samayeen  Dadkii Dalbaday in Puntland  ay ku sii shaqaystaan.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa u mahadceliyey Guddiga isagoo amaanay Dadaalkooda

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*