22nd December 2024 admin Category :
Lafta Gareen oo qaabilay guddiga KMG ee gargaarka dadkii beesha Isaaq soo tarxiileen
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa qasriga Madaxtooyada magaalada Baydhabo ku qaabilay Guddiga ku-meel gaarka ee gargaarka dadkii laga soo musaafuriyey Magaalada Laascaanood ee Maamulka Soomaliland.
Mudane Cabdicasiis Laftagareen ayaa ugu horeyn Guddiga ka dhagaystay warbixin ku qotonta waxyaabaha u qabsoomay iyo Socdaalkii ay ku tageen Magaalooyinka Gaalkacyo iyo Garoowe ee Dowlad Goboleedka Puntland, waxaana ay tilmaameen Guddiga in ay ku guuleysteen sidii dadkii laga soo musaafuriyey Magaalada Laascanood ay dib ugu soo celiyaan Magaalada Baydhabo iyo sida Dib udejin ugu samayeen Dadkii Dalbaday in Puntland ay ku sii shaqaystaan.
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa u mahadceliyey Guddiga isagoo amaanay Dadaalkooda