29th January 2023  admin  Category :

Guddiga Doorashooyinka Oo Shaaciyay Waqtiga Dowlad Goboleedyada Ka Bilaabaneyso Doorashada Golaha Shacabka

Guddiga doorashooyinka heer Federaal, ayaa sheegay in todobaadka soo socda ay ka bilaabaneyso maamul goboleedyada doorashada xildhibaanada golaha shacabka baarlamaanka 11-aad, xili waqtiga uu gabaabsi yahay.

Maxamed Xasan Cirro oo ah Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka heer Federaal ayaa tilmaamay in gudigood ay diyaar garoobeen, isagoo madaxda maamul goboleedyada ka dalbaday iney kaalin ka qaataan sidii doorashada aqalka hoose ee baarlamaanka loo guda gali lahaa.

“Hannaankeena doorashada waqti badan ayuu soo jiitamayey, rajada haatan waa ay wanaagsan tahay, waxaana ballan qaad ku galnay Madaxda maamulada iyo Guddiyada doorashooyinka in sida ugu dhaqsiyaha badan loo guda galo doorashada Golaha Shacabka,” ayuu yiri guddoomiye Maxamed Xasan Cirro.

Gudoomiye Cirro ayaa intaas kusii daray inay magaalooyinka maamul Goboleedyada ee loo qorsheeyay inay ka dhacaan doorashooyinka ay u daabuli doonaan agabka doorashooyinka oo dhameystiran, sida warqadaha cobixinta, sanduuqyada iyo agabyo kale oo muhiim ah.

Hadalka gudoomiyaha ayaa ku soo aaday saacado yar uun kadib markii War-saxaafadeed ka soo baxay beesha caalamka walaac looga muujiyey dib u dhaca doorashooyinka dalka, waxaana madaxda dowladda federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada loogu baaqay inay deg deg ugu dhaqaaqaan dhameystirka doorasho loo dhanyahay, inta aan la gaarin dhamaadka sanadkaan 2021-ka.

Si kastaba, todobaadkii hore waxaa Muqdisho lagu doortay laba kursi oo kamid ah golaha shacabka ee xildhibanaada ka soo galaya gobolada waqooyi, wallow la diiday in lagu dhawaaqo rasmi ahaan natiijada kursiga uu ku soo baxay ra’iisul wasaare kuxigeenka, kaasoo dacwad uu ka gudbiyay ninka haatan ku fadhiya kursigaasi ee Xuseen Carab Ciise.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*