24th December 2024 admin Category :
Guddiga dib u habaynta Ciidamada Dowladda Puntland ayaa boqday Taliska Ciidamada Daraawiishta xerada Siinaay ee magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.
Wasiirka Maaliyadda ahna Guddoomiyaha Guddiga Mudane Xasan Shire Cabdi, Wasiirka Wasaradda Amniga Mudane Cabdisamad Maxamed Galan, Taliyaha Guud ee Ciidamada Puntland S/Gaas Yaasiin Cumar Dheere ayaa la kulmay Saraakiisha iyo Ciidamada Daraawiishta.
Saraakiisha Ciidamada ayaa Guddiga xog- dheeraad ah ka siiyay Ciidamada daraawiishta, baahiyaha ay qabaan iyo sida ay diyaar ugu yihiin in ay difaacaan dalkooda.
Xerada Siinaay ayaa ah mid ay ilgaar ah ku hayso Dowladda Puntland, waana keydka madaafiicda hubka waawayn ee Dowladda Puntland.
Dowladda Puntland ee uu hoggaaminayo Madaxwayne Dr Saciid Cabdullaahi Deni waxaa ka go’an dhisida Ciidamo tayo leh iyo horumarinta Kaabayaasha dhaqaalaha dalka.