![](https://allsanaag.com/wp-content/uploads/2021/04/Puntland-696x385-1-624x345.jpg)
26th July 2024 admin Category :
Guddiga COVID-19 ee Puntland ayaa hakiyey Dhammaan Howlaha Waxbarashada
Guddiga COVID-19 ee Puntland ayaa si ku meelgaar ah u hakiyey Dhammaan Howlaha Waxbarashada ee ka socda Goobaha Dugsiyada aas-aasiga ah , Macaahidda iyo Jaamacadaha , waxaa Waxbarashada lagu sii wadi doona Barnaamijka fogaan aragga .
Dadweynaha reer Puntland waxaa la faray inaysan isugu imaan karin Goobaha cilaajka iyo madalaha dadweynuhu isugu yimaadaan,si looga feejignaado halista Cudurka COVID-19 oo soo laba kacleeyey.
Guddiga COVID-19 ee Puntland, iyagoo ka duulaya Bisha Barakaysan ee Ramadaan waxaa Mas’uuliyiinta masaajida la faray in xiliyada salaadaha laysu jirsado masaafo dhan 2-mitir ,iyadoo la soo gaabinayo salaadaha Taraawiixda iyo Jimcaha .
Ugu dambayna waxaa uu Guddigu shacabka Soomaaliyeed ee reer Puntland ugu baaqeen qaadashada Tallaalka si halista Cudurka u yaraado .
![](https://www.radiomuqdisho.net/wp-content/uploads/2021/04/IMG-20210408-WA0087.jpg)
![](https://www.radiomuqdisho.net/wp-content/uploads/2021/04/IMG-20210408-WA0088.jpg)