27th July 2024  admin  Category :

Madaxda Puntland oo la kulmay Guddiga ansixinta iyo xallinta khilaafaadka Golaha wakiillada,

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, oo ay weheliyaan Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash iyo Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil Cawl, ayaa caawa kulan la qaatay Guddiga ansixinta iyo xallinta khilaafaadka Golaha wakiillada Dowladda Puntland.

Madaxda ayaa guddiga kula dardaarmay in ay waajibaadkooda u gutaan si wanaagsan, iyadoo la raacayo habraacii soo jireenka ahaa ee 66-da xildhibaan hore ugu iman jireen, kaasi oo cuqaasha iyo Isimadu soo gudbiyaan xubnaha ku metelaya Golaha Wakiilada Dowladda Puntland. Waxayna guddiga u rajeeyeen in Allah u fududeeyo masuuliyadda saaran.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*