26th April 2024  admin  Category :

Guddi ka socday  Jawaari oo la kulmay Madaxweyne Farmaajo

Guddi uu magacaabay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Cismaan Jawaari oo ka kooban 7 xubnood ayaa maanta kulan la qaatay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo, iyadoo kulanka ahaa mid albaabada u xirnaa. 

Todobada xubnood ayaa kala ah :

1-Xildhibaan Cabdiqaadir Cosoble,

2-Xildhibaan Been-Beene

3- Xildhibaanad Sacdiyo

4-Xildhibaan Foowsiya Sheekh

5-Xildhibaan Xasan Yare,

6-Xildhibaan Axmed Macallin Fiqi.

Xubnaha Guddiga wada hadalka ee xal u helida Khilaafka Baarlamaanka ayaa waxaa hoggaaminayay C/qaadir Cosoble Cali, iyadoo Madaxweynaha ay isla soo qaadeen arrimo dhowr ah oo ka mid ah xiisada taagan iyo qaabkii loo mari lahaa xalinteeda.

Wararka ayaa sheegaya in xubnaha Guddiga wixii ay kala kulmeen Madaxweynaha ay dib ula laabteen dhanka Guddoomiye Jawaari, iyagoo warbixin siin doona.

Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in galabta ay kulmi doonaan Madaxweynaha iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka, si loo ambaqaado waanta waanta xalka lagu raadinayo.

Guddiga uu Jawaari magcaabay labadan Xildhibaan oo  aad hadalkooda  hoos ka dawan doontaan ayaa ka mid ah Waa Sacdiyo iyo lamaankeeda siyasadeed Fiqi

https://allsanaag.com/maxay-ka-rabaan-siyaad-bare/

https://allsanaag.com/mooryaan-u-dhaaratay-madaxweyne-farmaajo/

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*