7th September 2024  admin  Category :

Dowladaha Soomaaliya iyo Shiinaha Oo Samaystay Guddi Dhaqaale Oo Isku-dhaf ah

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya  mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) iyo dhiggiisa dalka Shiinaha oo ka wada hadlay horumarinta dhaqaalaha iyo ganacsiga labada dal ayaa si wadajir ah u sameeyay guddi dhaqaale oo ay xubno ka yihiin mas’uulyiin ka socda labada dal.

Dowladda Soomaaliya ayaa guddiga dhaqaale waxaa ku metelaya Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha, Agaasimaha Wasaaradda Arrimaha dibadda ee Aasiya iyo Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Shiinaha.

Dhanka kale, Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka ayaa maalinta berri ah gobalka Hunnan ee dalka Shiinaha uga qayb gelaya munaasabadda daah-furka dhoofinta ganacsiga iyo dhaqaalaha ee ka dhexeysa Shiinaha iyo Afrika iyo madasha iskaashiga ganacsiga iyo dhaqaalaha Shiinaha iyo Afrika.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*