29th March 2024  admin  Category :

Golaha Wasiirada oo xil ka qaadis ku sameeyay Hanti dhowraha Guud ee Qaranka

Golaha Wasiirada ayaa shirka uga hadlay xaaladaha ammaanka Muqdisho iyo dilkii xalay loo geystay Wasiir Cabaas Siraaji.

Waxaa Golaha Wasiirada ay isku raaceen in xil ka qaadis lagu sameeyo Hanti dhowrka Guud Dr. Nuur Faarax, kaddib markii lagu helay Ilaaladiisa inay ka dambeeyeen dilka Wasiir Cabaas.

Guddi loo xil saaray baaritaanka dilka ayaa kulanka ka jeediyay warbixin ku saabsan baaritaankii ay sameeyeen horu dhac ah, iyo sida ay goobta wax uga dhaceen.

Tallaabooyinka xilka looga qaaday ayaa ka dambeysay, markii Guddiga ay soo bandhigeen warbixinta la xiriirta sida uu falka ku dhacay.

Sababaha xilka looga qaaday ayaa waxay kala yihiin sidan:-

1- Guddiga Baaritaanka waday oo ugu horeyn dalbaday in xasaanada laga qaado, taasoo sababtay in xilka laga qaado

2- in isagoo Mas’uul ah aanu u gurman markii falku dhacay Wasiirkii la dilay, isla markaana marka dhibka dhacay uu gaarigiisa goobta ka dhaqaaqay.

3- Wareysigii uu siiyay Idaacada VOA oo lagu tilmaamay inay aheyd mas’uuliyad darro iyo inuu ka hor-dhacay baaristii socotay, kuna tilmaamay wixii dhacay inay ahaayeen askar is rasaaseysay, uuna Wasiirka ku dhintay qaab shil, sidaas darteedna Guddiga baaritaanka waday ay soo bandhigeen cadeymo muujinaya in hal xabad kaliya ay dhacday, oo aheyd tan lagu dilay Wasiir Cabaas.

4-in askariga dilka geystay oo ka mid ahaa Ilaalada Hanti dhowrka qoriga uu wax ku dilay uusan aheyn mid sharciyeysnaa, isla markaana qorigiisa uu meel kale jiray.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*