26th March 2024  admin  Category :

Golaha Wasiirada Oo Ka Shiray Xaaladaha Amniga iyo U Gurmashada Dadka Ay Abaartu Saameysay

Shirkii ugu horreeyay ee toddobaadlaha ahaa ee Golaha Wasiirrada ayaa maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho – kaasi oo looga hadlay xaaladda amniga waddanka, dadaalka gurmadka abaaraha iyo safarradii shaqo ee dhowaan uu galay Ra’iisul Wasaaraha.

Shirka oo uu shir guddoominayay Ra’iisul Wasaaraha Xamse Cabdi Barre ayaa waxa uu kaga warramay socdaalkii uu ku tagay magaalada Tunis ee dalka Tunisia, oo isaga wafdigiisa ay kaga qaybgaleen shirkii caalamiga ahaa ee TICAD8 – kaasi oo intii uu socday Ra’iisul Wasaaraha iyo xubnaha wafdiga ay kulamo kala duwan la yeesheen madaxdii ka qaybgalaysay shirka.

Waxaa sidoo kale Ra’iisul Wasaaruhu ka warramay safarkiisi magaalada Beledweyne oo uu sheegay inay u doorteen inay tusaale u noqoto gurmadka ay dowladdu billowday.

Dhinaca kale, Wasiirada Gaashaandhigga iyo Amniga ayaa iyaguna waxa ay xog ka bixiyeen xaaladda ammaanka ee dalka iyo dadaalka ay dowladdu wado ee lagu doonayo in lagu sugo amniga shacabka Soomaaliyeed.

Wasiir arrimaha Gudaha ayaa isna ka warbixiyay xaaladda abaaraha iyo xogtii ugu dambeysay ee gurmadka loo fidinayo dadka dhibaateysan.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku adkeeyay Wasaaradaha ay quseeyaan ajandayaashii shirka ee maanta inay si degdeg ah wax qabad la taaban karo u gaarsiiyaan shacabka.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*