29th March 2024  admin  Category :

Labo Xildhibaan, oo ka mid ah Baarlamaanka Soomaaliya iyo wasiirkii hore ee maaliyadda ee dawladda Federaalka ayaa ka mid noqday golaha Wasiirada maamulka Galmudug oo caawa lagu dhawaaqay


Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa goor dhow magacaabay Gole Wasiiro ka kooban 23 xubnood, kaasoo maalmihii la soo dhaafay si weyn loo sugayay, waxaana Wasiirada ku jira Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federaalka iyo xubno horay xilal u soo qabtay.

Wasiirada la magacaabay ayaa waxaa ka mid ah Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo loo magacaabay Wasiirka Amniga dowlada Goboleedka Galmudug, iyadoo Xildhibaan Fiqi ka mid ahaa Xildhibaannadii mucaaradka ee si weyn uga soo horjeeday doorashadii Axmed Qoorqoor.

Sidoo kale Wasiirada ayaa waxaa ka mid ah Xildhibaan Cabdi Saabir Nuur Shuuriye oo isna loo magacaabay Wasiirka Dekedaha dowlad goboleedka Galmudug, waxaana uu ka mid ahaa Xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka ee mucaaradka ahaa.

Wasiirka Maaliyadda ayaa waxaa loo magacaabay Farxaan Cali Gaban oo horay Wasiirka Warfaafinta u soo noqday dowladdii KMG aheyd ee uu hoggaaminayay Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Halkan hoose ka akhris

1: Cabdi Maxamed Fiidow Baliile: Wasiirka Cadaalada iyo Arimaha Garsoorka ( Murusade )

2: Cabdi Maxamed Jaamac (Cabdi Wayeel): Wasiirka Arimaha Gudaha ( Marexaan )

3: Ahmed Macalin Fiqi: Wasiirka Amniga ( Sacad )

4: Farxaan Cali Maxamed: Wasiirka Maaliyada ( Duduble )

5: Maxamed Xaashi Dhoore: Wasiirka Waxbarashada ( Ceyr )

6: Cabdiweli Cabdulahi Jaamac: Wasiirka Cafimadka iyo Daryeelka ( Marexaan )

7: Cabdirisaaq Maxamed Maxamuud: Wasiirka Gadiidka Cirka iyo Dhulka ( Murusade )

8: Daa’uud Maxamed Maalin: Wasiirka Dastuurka ( Wacaysle)

9: Saabir Nuur Shuuriye: Wasiirka Dakadaha iyo Kalluumaysiga ( Suleebaan )

10: Saciid Siyaad Shirwac: Wasiirka Bay’ada ( Suleebaan )

11: Cabdiraxman Maxamed Diiriye Makaawe: Wasiirka Gargaarka iyo Maareeynta Masiibooyinka ( Marexaan)

12 :Cabdiladiif Cabdilaahi Warsame: Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha ( Marexaan )

13: Axmed Dhiblaawe Casir: Wasiirka Howlaha Guud iyo Dib U dhiska ( Wacaysle )

14: Aadan Cusmaan Xuseen Qoryooley: Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta ( Shiikhaal )

15: Yaxye Xiish Xasan: Wasiirka Shaqada iyo Arimaha Bulshada ( Marexaan )

16: Maxamed Cabdi Axmed Kaarshe: Wasiirka Biyaha iyo Tamarta ( Sacad )

17: Abdulqaadir Maxamed Saciid Gentlemen: Wasiirka Batroolka iyo Macdanta ( Saruur )

18: Xasan Cabdulqadir Xuseen: Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ( Dir )

19: Ubax Xuseen Dhiblawe: Wasiirka Haweenka iyo Xaquuqul Insaanka ( Duduble )

20: Xuseen Cabdulle Xasan: Wasiirka Cayaaraha iyo Dhalinyarada ( Saruur )

21: Axmed Shire Falagle: Wasiirka Warfaafinta ( Sacad )

22: Sahra Colaad Cabdi: Wasiirka Qurbajoogta iyo Dhiiragalinta Maalgashiga ( Beesha 5aad )

23: Axmednuur Xaaji Cisman: Wasiirka Beeraha, Dhirta iyo Daaqa ( Qubeys )

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*