26th December 2024 admin Category :
Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Jamuuriyadda Soomaaliya ayaa maanta meel mariyay sharciga batroolka dalka, kaasi oo ay soo gudbisay Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.
Waxaa ogolaatay meelmarinta sharcigan Batroolka,150 Xildhibaan, waxaana diiday, 4 mudane, sidaasi ayuuna ansax ku noqday,sida uu ku dhawaaqay Guddoonka Golaha Shacabka.