29th March 2024  admin  Category :

Gaalkacayo iyo Garowe oo looga soo gurmaday SANAAG. Halka qurba joogtii Maakhir weli lacagta ku haystaan Bangiyada

Qaar ka mid ah dadkii xooluhu ka bexeen ee soo galay magaalada Jiicanyo ee degmada Badhan ee gobolka Sanaag ayaa maanta biyo dhaan dhiig joojin ah loo sameeyey.
Biyo dhaankan ayaa waxa ku deeqay sama falayaal ku sugan magaalada Garoowe oo uu hormuud u yahay guddoomiyihii hore ee gobolka Mudug Maxamed Yuusuf Tigey.
Waxa arki doontaan sawiro muujinaya dhibaatada xoolaha haysata iyo muuqaallo dadkii oo hadlaya kana sheekaynaya dhibta abaareed ee haysata.
Tuulooyin badan ayaa sidaas oo kale dad soo xerooday ay ku sugan yihiin.
Ilaahay ha ka abaal mariyo muxsiniintaas , bulshada kalena ha kaga daydeen kaalmaynta walaalohooda abaartu saamaysay.

Xaquuqda sawirada waxa iska leh gudoomiyha gobolka Sanaag maxamud Ciyoon

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*