25th October 2024  admin  Category :

Kooxda Aaran Jaan xaruntoodu tahaya Garowe oo garoonkii Boosaaso Alabaabada isugu dhufanaya

Nin Qorax kugu dilay maydkaaga hoos uma jiido, waxaan taas ula jeedaa garoonkii caalamiga ahaa ee Boosaaso, ee ahaa kii ugu horeeyey ee laga hirgaliyo Puntland in maanta laga wareejiyey duulimaadkii caalamiga ahaa, iyadoo waliba Boosaaso ay Garowe in badan uga dhow dahay dalalka Khaliijka carabta iyo waqooyiga Afrika ee xiriirka soo jireenka aynu la lahayn.

Akhristoow sidaad xasuusataan cunaqabatayntan waxa ka horaysay tii la midka ahayd ee xafiisyadda Gargaarka iyo UN-ka laga wareejiyey magaalooyinka Boosaaso iyo Gaalkacyo markii uu xilka hayey Cabdiraxmaan Faroole isagoo taas ku naas nuujinayey deeganka uu kasoo jeedo.

Doqontu markay ku legdooto isaga kac way ilawdaa ama maba garato, su’aasha hadda qof kasta oo reer Puntland ah uu iswaydiinayo waxay tahay taloow mashruucee ku xigi doona oo gobolada kale ee Puntland la damacsan yahay in laga dhaxal wareejiyo?

Madaxweynaha Puntland mudane Siciid Cabdulaahi Deni markuu xilka qabtay qudbooyinkiisii waxaad ka xusuusataan balan qaadkiisii ahaa in mashaariicda ka socota Puntland ay u fuli doonaan sidii horay loogu talo galay, LOOGE LOOBA JOOGE????????

Puntland dhismaheedii waxaa ku bahoobay oo dhidibada u aasay Isimo, cuqaal, aqoonyahan iyo waxagarad kasoo kala jeeda gobolada ay Puntland ka kooban tahay iyadoo himiladooda iyo hiigsigooda uu ahaa inay deegaankooda kusoo dabaalaan nabad iyo barwaaqosooran saldhigeedu uu yahay cadaalad waafawqsan shareecadda Islaamka.

Hoos ka daawo Warbaahinta Aaran Jaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*