26th March 2024  admin  Category :

Dowlad Goboleedka Puntland ayaa shaacisay in garoonka Diyaaradaha Boosaaso ay haatan isticmaali karaan diyaaradaha waaweyn kuwaasoo isaga kala goosha dalka gudihiisa iyo dibadiisa.

Wasiirka Duullista Hawada iyo Garoomada Puntland Ilyaas Cismaan Lugatoor (Gebiley) ayaa ku dhawaaqay in Duullimaadyada Caalamiga ah kasoo degi karaan Garoonka Diyaaradaha Magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari.

“Waxaa naga go’an horumarinta Duullimaadyada Gudaha iyo Caalamiga ee Puntland si ay u fududaato isu socodka dadka reer Puntland” Sidaasi waxaa yiri Ilyaas Lugatoor Wasiirka Duullista Hawada & Garoomada DG Puntland.

Duullimaadyada garoonkan ayaa waxaa kamid mid isku-xiraya magaalada Shaariqa oo ka tirsan waddanka Imaaraatiga Carbeed iyo Boosaaso, iyadoo Diyaaradda ka timaadda Shaariqa ay toos u tegi doonto Boosaaso, islamarkaana uga sii gudbi doonto Muqdisho.

Dowlad Goboleedka Puntland ayaa shaacisay in garoonka Diyaaradaha Boosaaso ay haatan isticmaali karaan diyaaradaha waaweyn kuwaasoo isaga kala goosha dalka gudihiisa iyo dibadiisa. Wasiirka Duullista Hawada iyo Garoomada Puntland Ilyaas Cismaan Lugatoor (Gebiley) ayaa ku dhawaaqay in Duullimaadyada Caalamiga ah kasoo degi karaan Garoonka Diyaaradaha Magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari. “Waxaa naga go’an horumarinta Duullimaadyada Gudaha iyo Caalamiga ee Puntland si ay u fududaato isu socodka dadka reer Puntland” Sidaasi waxaa yiri Ilyaas Lugatoor Wasiirka Duullista Hawada & Garoomada DG Puntland. Duullimaadyada garoonkan ayaa waxaa kamid mid isku-xiraya magaalada Shaariqa oo ka tirsan waddanka Imaaraatiga Carbeed iyo Boosaaso, iyadoo Diyaaradda ka timaadda Shaariqa ay toos u tegi doonto Boosaaso, islamarkaana uga sii gudbi doonto Muqdisho.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*