19th May 2024  admin  Category :

Allah ha u naxariistee waxa magaalada Gaalkaco ku geeriyooday Garaadkii Beelaha Harti kana mid ahaa asaasayashii Puntland, Isimada Daarood iyo Isimada beesha Dhulbahante Garaad Saleebaan Graad Maxamed.

Garaad Saleeban Garaad Maxamuud, ayaa goor dhaweyd ku geeryooday Isbitaalka Dhagacade,ee magaalada Galkacyo. Allah ha u naxariistee Garaadka, ayaa mudooyinkii danbe xanuun la ildarnaa’ waxaana Galkacyo, la gaarsiiyey maanta.

Bahda Allsanaag, waxay taci tiiraanyo leh u dirayaan Qoyskii qaraabadii, Shacabka Soomaaliyeed, Puntland iyo guud ahaan bulshada Reer Khaatumo ee uu ka geeriyooday Allah ha u naxariistee Garaad Saleebaan, oo manta ku geeriyooday magaalada Gaalkacayo ee gobolka Mudug .  Waxaan Allah uga baryeynaa inuu u naxariistii Jano ka waraabiyo Marxuumka, Eheladdi iyo Qaraabadii uu ka tegayna Samir iyo Iimaan  uuka siiyo Aamiin Aamiin.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*