26th July 2024  admin  Category :

Wasiir Uu ku dhacay Xanuunka Coronavirus oo Diyaarad khaasa Loo Dalbay

Dowladda Puntland ayaa diyaarad gaar ah u dalabtay wasiirka  wasaarada Deegaanka &  Beeraha Puntland  ismaaciil Diirye Gamadiid. oo muddo ku xanuunsanayay magaaladda Garoowe kadib markuu uu dhacay cudurka Covid-19,

Diyaarada ayaa wasiirka ka qaaday garoonka diyaaradaha ee Garoowe, waxayna u qaaday magaalada Muqidisho iyadoo la filayo in loo sii gudbiyo wadanka Turkiga si halkaasi loogu dabiibo

Saraakiil ka tirsan Bahda Caafimaadka ayaa warbaahinta u sheegtay in Wasiirku uu ka bogsaday Cudurka Covid-19 hase yeeshee uu waxyeelo gaadhsiiyay sambabadiisa iyo habdhiska neefsashada taasi oo keeni karta inay gebi ahaanba ay shaqada joojiyaan sambabadu haddii uusan helin dhakhaatiir Takhakhus u leh.

Wasiirka ayaa ka soo jeeda gobolka Sool ee Puntland.

https://youtu.be/elbEIFbUpbA

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*