18th October 2024  admin  Category :

Gabadh ninkeedii ‘madow’ dartii ku nacday oo laga furay

Maxkamadda sare ee gobolka Karnataka ee dalka Hindiya ayaa sheegtay in haddii nin ay xaaskiisa ay ku caydo ama bahdil ahaan ugu tilmaanto midabkiisa madoow ay taasi la macno tahay naxariis darro, ayna sabab adag u tahay racfaanka furriinka.

Garsoore Alok Aradhe iyo Garsoore Anant Ramnath Hegde ayaa sidan ku sheegay go’aan ay ka soo saareen dacwad uu nin 44 jir ah ka soo gudbiyay xaaskiisii oo 41 jir ah.

Lammaanahan ayaa is guursaday sanadkii 2007, waxaana ay isku dhaleen gabadh. Sannadkii 2012, ninku wuxuu gudbiyay codsi furriin maxkamadda qoyska ee Bangalore.

Codsiga furriinka ayaa waxaa diidday maxkamadda qoysku sanadkii 2017-kii, ka dib dacwad-oogaha kiiskooda ayaa la xidhiidhay maxkamadda sare

Maxkamadda ayaa sidoo kale xukunkeeda ku sheegtay in caddeymaha diiwaanka ku jira ay sidoo kale muujinayaan in xaaska ay ninkeeda u ku caayi jirtey si ay isaga hoosaysiiso midabkiisa madow, sababtana ay darted ay bilawday in ay ku noolaato meel aan ahayn Meesha uu joogo.

Maxkamadda sare ayaa iyana sheegtay, gabadha oo isku deyeysa in ay arrinkan qariso ay samaysay eedaymo been abuur ah oo ka dhan ah ninkeeda oo ah inuu leeyahay xidhiidho ka baxsan guurka. Xaqiiqooyinkan ayaa sabab u ah naxariis darrada.

Haweeneyda ayaa ku eedeysay ninkeeda inuu xidhiidh sharci darro ah la lahaa naag kale sidoo kalena ay labadooduba ilmo isku dhaleen.

Haweeneydan ayaa sidoo kale sheegtay in ninkeeda iyo soddohdeed ay ka dalbanayaan meher oo aysan ogolayn inay inan kaxaysato.

Maxkamadda sare ayaa xukunkeeda ku sheegtay in “Xaaska aysan wax dadaal ah ku bixin sidii ay ugu soo laaban lahayd ninkeeda, waxaana caddeymaha la diiwaan geliyay ay muujinayaan in haweeneyda aysan daneyneyn sii wadida guurka sababtoo ah midabka madow ee ninkeeda.

Maxkamaddu waxay sheegtay in kiiskan, ‘takoorka ah’ ay u adeegsatay sidii hub oo kale ay ugu dhaawacdo dareenka ninkeeda, taas oo naxariis darro ah.

Marka loo eego Qaybta 13A ee Xeerka Guurka Hinduuga, haddii dhinac uu dhib maskaxeed u keeno dhinaca kale hab-dhaqankiisa gardarada ah, waa sabab ku filan in la kala diro guurkaas.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*