28th March 2024  admin  Category :

Madaxweynaha Puntland oo Khudbad ka Jeediyey Shirka Madaxdda Africa ee Tana High Level Forum.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo maalintii labaad ka qayb galay shirka Madaxdda Africa ee Tana High Level Forum ayaa maanta 23 April 2017 khudbad muhiima ka jeediyey shirkaasi oo ka dhacayey magaalada Bahar Daar ee dalka Ethiopia.

Sidoo kale shirka ayaa waxaa kasoo qayb galay madax tiro badan oo ka kala timi dalalka ay ka kooban tahay qaaraddani Afrika iyo wakiilo ka socda wadamada Maraykanka, Ingiriiska, Faransiiska, Belgium iyo wadanka Germany.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo ka hadlay shirka Tana High Level Forum ayaa sheegay in Qaarada Africa ay kucaan baxday khayraad dabiici ah kaas oo aduunka laga helo meelo faro ku tirisa, waxaana uu Madaxweynuhu kula taliyey madaxdda ka soo qayb gashay shirka inlaga Faa’iidaysto khayraadkaasi.

‘’Macdanta Africa waa qani dhinaca khayraadka dabiiciga ah sida saliidda ceedhiin oo ay ka mid yihiin shidaalka iyo gaaska, laakiin waxaan u baahanahy inaan helno hogaamiyayaal wanaagsan oo fahmi kara khayraadka faa’iidadiisa, hadaynaana hada ka faa’iidaysan oo la soo bixin, waxaa dhici karta in wakhti dhaw laga baxo is ticmaalkiisa, waayo hadaynu nahay dadka kunool Qaaradani Africa ma isticmaalo Technology-yada cusub ee maanta aduunka laga isticmaalo, caalamka intiisa kalena waa kusii horumaraysaa maalinba maalinta kadan beysa’’ ayuu yiri madaxweynaha Dawladda Puntland

Madaxweynaha Dawladda Puntland oo ka hadlaya dhinaca amaanka Qaarada afrika ayaa qeexay in loo baahan yahay in layska kaashado amaanka guud ee Qaarada,isla markaana lays dhaafsado xogo ku saabsan dhinaca amaanka si loo sugo.

‘’Waa mihiim in layska kaashado amaanka guud ee Qaarada, isla markaana lawadaago xogo ku saabsan amaanka kuwaas oo khuseeya ilaalinta iyo xasiloonida wada noolaansho ee dadka kuwada nool Qaaradani qaniga ah, huru marku wuxuu ka dhashaa oo saldhig u ah  nabada, nabadana waxaa suura gelinkara xidhiidhka wadamada Africa oo hagaaga’’ ayuu yiri madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

Dhinaca kale Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa tiibaaxay inay jiraan wadamo badan oo dib u soo kabanaya loona baahan yahay in la gacan qabto, isla maarkaana lagu taageero wax kasto oo suura gal noqonkara, si uu u hagaago xidhiidhka waddamada Qaarada Africa.

Ugu danbayn, Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa hoosta ka xariiqay in Soomaaliya maanta ku heelan tahay geedina ugu jirto horumarka, isla maarkaana doonayso inay dib uga soo kabato wixii hore usoo maray, hadana ay ka jirto siyaasad wanaag kala danbayn, is ixtiraan iyo dib u doonid Qaranimo Soomaaliyeed.

–DHAMMAAD—

XAFIISKA, WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*