29th March 2024  admin  Category :

Waa kuma madaxweynaha soo socda ee dawladda Puntland?

Maalmahan danbe degaanada Puntland iyo Qurbahaba  waxa laga  hadal hayaa madaxweynaha Soo socda ee Puntland oo waqtigii lagu dooran lahaa ay ka harsan tahay oo qura  bilo kooban

Musharaxiin badan oo reer Puntland ah, oo xaq u leh in la doorto ama ay wax doortaanba  ayaa shaaciyey  inay u tartamayaan    hogaanka sare ee dawlada Puntland,  oo ay qaarkood  qabsanayeen xaflado ay qaaraan ku urursanayaan  dadkana  isku barayaan.

Hadaba waa ayo musharaxiinta ugu cad cad oo ay u badan tahay inay ku guulaystaan hogaanka sare  Puntland.

1- Madaxweynaha hadda xilka haya Cabdiweli Gaas hadii uu mar labaad isa soo sharaxo, waa siyaasiga uga fursadda badan  inuu mar danbe dib loo doorto

2 Cabdulaahi Axmed Ilko jiir,  Waa siyaasiga fursad ahaan  ku xiga Cabdiweli Gaas, Waana siyaasiga qura oo siyaasiyiinta kale ee reer Puntland ay wada taageersan yihiin

3- Khaliif Ciise Mudan,  Waa siyaasi guud ahaan Puntland laga jecel yahay waana qunyar socod Puntlander ah

4- Cumar Cabdirashiid, isaguna waa siyaasi haysta fursad uu ku qabto hogaanka Puntland. waa siyaasi jecel horumarka Puntland

5-  Madaxweyne ku xigeenka Puntland Cabdi xakiim Cameey, intuu xilka hayey karti iyo wax qabad ayuu muujiyey, wuxuuna haystaa fursad lagu doorto isaga oo soo bandhigaya waxqabadkiisii

6-Wasiirkii hore ee wasaaradda Maaliyadda Puntland Faarax Cali Shire, isaguna fursad ayuu haystaa ah sheekada Gaalkacayo, Garowe iyo Qardho wax ha laga bedelo, oo markan waa markii Qandala.

 

ALLSANAAG.COM

 

 

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*