27th April 2024  admin  Category :

Madaxda  Villa Soomaaliya iyo beesha Hawiye ha loo daayo inay ka jawaabaan in Soomaaliya Muqdisho tahay. Sababtoo ah iyaga ayaa doonaya in ay inooga dhigaan in Muqdisho tahay Soomaaliya

Madaxweynaha Dawladda Puntland Cabdiweli Cali Gaas, hadalka uu maanta ka sheegay warsaxaafadeedkii uu ku qabtay dalka Imaaraadka Carabta ee ahaa ” Burburkii Soomaaliya ee 1991d-ii wuxuu ahaa natiijada awood dhexe iyo dowladda Muqdisho, Soomaaliya mahan Muqdisho, Muqdishona ma ahan Soomaaliya. Federalismku wuxuu xaqiijinayaa in dowladda dhexe ee Soomaaliya aysan lahayn awood kaligii talisnimo iyo in siyaasadda qaranka ee Mustaqbalka laga doodo, laga wada xaajoodo ayna wadaagaan siyaasiyiinta iyo daneeyayaasha qaranku.

Waxaan taageernaa dowlad federal ah oo gacanta ku haysa dastuurka federalka ah, iyadoo ilaalinaysa xuquuqda dowladda federalka ah, sidoo kalena xushmaynaysa xuquuqda dowladaha xubnaha ka ah.

Waa muhiim in la fahmaan markii la qaato federalism dhammaan awoodda dowladuhu waa mid gaar ah, waa muhiim in dhammaan hayaddaha dowliga ah ee Federalka iyo maamuladu ay wada shaqeeyaan si loo gaaro hadafka guud ee dowladnimada Soomaaliya, Federalismka waxaa loogu talagalay inuu xaqiijiyo wadashaqaynta u dhexaysa dowladda Federalka ah iyo dowladaha xubnaha ka ah gaar ahaan wadashaqaynta ammaanka mana ahan tartan.

Dastuurka federalka ah waxa uu bixinayaa awoodaha soo socda,” Qodobka 54aad ee dastuurka Puntladn waxa uu sheegayaa in dowladda Puntland ay heshiisyo lageli kadho caawiyayaasha qaranka iyo kuwa ajaaniibta ah si faa’iido looga dhaliyo khayraadka dabiicigaa”.

Jawaabta hadalkan waxa iska leh Siyaasiyiinta Hawiye oo u haysta in Muqdisho Soomaaliya tahay oo xitaa dawladdi federaalka  awood ku dhici wayday  in sharciga la marsiiyo gacan ku dhiiglihii dilay wasiir ka mid ah golaha wasiirada Soomaaliya.

Hadalka madaxweyne Gaas waa in la soo dhoweeyaa , lagana shaqeeyaa sidii caasimadda Soomalaiya loo gayn lahaa  degaan dhex dhexaad ah oo dawlad Soomaaliya ku shaqayn karto. Sidoo kale ninka ku dulman magacii

 

https://allsanaag.com/goormay-soomaliya-muqdisho-noqotay/

https://web.archive.org/web/20120510133100/https://www.allsanaag.com/index.php/43-war-soomaali-ah/399-dawlada-japan-qalabka-iyo-gaadiidka-ay-soomaaliya-ugu-deeqay-waa-in-degmada-galgala-qayb-ka-heshaa

 

https://web.archive.org/web/20120510133100/https://www.allsanaag.com/index.php/43-war-soomaali-ah/407-qalabka-muqdihso-la-keeno-ma-qalab-loogu-deeqay-soomaaliyaa-mise-waa-qalab-beesha-muqdisho-loogu-deeqay

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*