22nd December 2024 admin Category :
Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta 7 March 2018 xafiiskiisa Madaxtooyada dawladda Puntland ee Garoowe ku qaabilay wafti ka socdey hay’adda ICRC oo uu hoggaaminayey Madaxa ICRC Soomaaliya Simon Brooks.
Wafdiga hay’adda ICRC oo uu hoggaaminayey Madaxa ICRC Soomaaliya Simon Brooks waxaa ka mid ahaa xubno ka tirsan hay’adda ICRC oo ay ka mid ahaayeen isu duwaha hay’adda ICRC Soomaaliya Peter Lick Iyo Madaxa hay’adda ICRC xafiiskeeda Garoowe Abdifatah Fandhaal.
Kulanka Madaxweynha iyo hay’adda ICRC oo ka dhacay xafiiska madaxweynaha ayaa waxaa looga hadley halka ay marayaan mucaawinooyinka banii’ aadaminimo iyo hawl gallada kale ee ay Hay’adda ICRC ka fuliso deegaanada Puntland sida Caafimaadka, biyaha iyo kaalmada qoyska.
Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ku boorriyey in ay dardar geliyaan hawlaha shaqo ee ay hay’addu ka waddo Puntland isla markaana ay xoogga saaran hirgelinta ceelasha biyaha iyo dib u dayactirka ceelasha hawl-gabka noqday sidoo kale madaxweynaha ayaa sheegay in fiira gaara la siiyo lagana war qabo dadka shacabka ah ee dagan buuraha Gal-Gala oo ay saameeyeen dagaalada kooxha arga gixisada ah ee Al-Shabaab.
Sidoo kale Madaxa Hay’ada ICRC Soomaaliya Simon Brooks ayaa Dawladda Puntland uga mahad celiyey sida wanaagsan ee loogu soo dhaweeyey Puntland islamar ahaantana sheegay in dawladda Puntland iyo Hay’adda ICRC ay ka dhaxeyso wada shaqeyn wanaagsan, sidoo kalena waxaa uu sheegay inuu arko isbadal la taaban karo oo ah dhinaca horumarka Puntland, isbedelkaas oo si baaxad leh umuuqda in afartii sano ee lasoo dhaafay hore loo kacay, ka Hay’ad ahaana ay ka shaqeenayaan u adeegida iyo taakulaynta dadka iyo duunyda Puntland.
Dhinaca Kale Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa ku booriyey Hay’adda ICRC iney kor u qaadaan adeegyadooda maadaama ay jiraan abaaro soo noq-noqdey oo mar welba saameeya nolosha reer guuraaga ah iyo guud ahaan Shacabka reer Puntland islamar ahaantana waxaa uu madaxweynuhu sheegey in ay muhiim tahay in la helo ceel biyoodyo, biyo xireeno dheeriya si looga hortago xaalufka iyo abaaraha.
Ugu dambayn, Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo Madaxa hay’adda ICRC Soomaaliya ayaa isku afgartay dhammaan arimiihii ay kawada hadleen, iyadoo uu ballan-qaaday Madaxa Hay’adda ICRC in ay dardar gelin doonaan guud ahaan mashaariicda ay ka wadaan Puntland isla markaana dhowaan hirgelin doonaan barnaamijyo kale oo la xiriira kor uqaadista tayada caafimaadka, ceelal biyoodyo iyo biyo xidheenana laga hirgelin doono dhulka miyiga ah ee Puntland.