29th March 2024  admin  Category :

Madaxweynaha Dawlada Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta gelinkii hore 06 June 2017 xadhiga ka jaray dhismaha cusub ee Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Puntland, kaas oo laga hirgeliyey dhismaheeda Caasimada Garoowe.

Xadhig jarka dhismaha Wasaaradda ayaa waxaa madaxweynaha kuwehelinayey wasiirka Wasaarada Xanaanada Xoolaha Puntland, Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Xanaanada  Xoolaha,Wasiir kuxigeenka Wasaaradaasi, shaqaalaha waaxaha Wasaaradda iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyadda Dawladda Puntland.

Madaxweynaha dawladda Puntland ayaa ugu horayn sheegay inuu ku faraxsan yahay muhiimad gaarana u leedahay furitaanka dhismaha cusub ee Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, maadaama ay tahay wasaarad ku hawlan ilaalinta iyo xanaanaynta laf-dhabarta dhaqaale ee dalka.

”Sharaf weyn bay ii tahay maanta inaan imaado Wasaaradda Xanaanadda xoolaha daahfuro  xadhigana ka jaro dhismaha cusub ee Wasaaradda, waan ku bogaadinaynaa dedaalka weyn ee ay geliyeen in Wasaaraddu hesho goob shaqo oo ku-filan  oo lagu fuliyo shaqadda gaamurtey ee Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, laf-dhabar bay u yihiin xooluhu  dhaqaalaha Puntland iyo kan Soomaaliyeedba”. ayuu yiri Madaxweynaha Puntland.

Sidoo kale waxa uu  sheegay Madaxweynuhu in wasaaradani lagu dhisay oo lagu hirgeliyey dhaqaalihii dalka kaasi oo kuyimi isku tashiga shacabka iyo dawladda Puntland.

”Wasaaradda waxaa lagu dhisay dhaqaalhii dalka, isku tashiga Puntland, waxayna ka mid tahay mabaadii’da aanu aaminsanahay oo ah in dhismaha Dawladda nimo Puntland si dhaba uga hirgalaan, dabcan dhismaha Dawladd-nimo waxaa ugu horeeya in wasaaradihii dhisan yihiin degaan ay ku shaqayn karaana ay leeyihiin, shaqaale ku filan oo khibrad leh ay leeyihiin, in adeegii iyo shaqooyinkii waajibka ahaa  ee ay dalka u qabanayeena ay si wanaagsan u fushanayaan,  Wasaaraddo kale ayaan dhowaan furidoonaa iyo sidoo kale mashaarico kale oo iyana horle waxayna ka mid tahay cayilinta Dawladda Puntland” ayuu yiri madaxweynaha Dawladda Puntland.

Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Puntland Cabdijamaal Cismaan Maxamed ayaa sheegay in dhismaha wasaaraddani ay ku baxayday lacag dhan $3,72,000 oo dollar, taasi oo kutimad  halku dhigii Madaxweynaha Puntland oo hirgalay kaasi oo ahaa ”Puntland ha isku tashato”, wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in dhismahani waxbadan ka taridoono dardargelinta shaqooyinka baaxadale ee Wasaaradu u qabato shacab keeda kaasi oo ku salaysan ilaalinta caafimaadka, xanaanada iyo ka warqabka markasta xoolaha Puntland.

Ugu danabyn, Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa soo kormeray xaafisyada Wasaaradda, halkaasi oo uu mid mid u xogwaraystay dhammaan hawl-wadeenada xafiisyada wasaaradaasi, isagoona ugu danbayn kulan gaara la qaatay madaxda sare ee wasaaradaasi.

–DHAMMAAD–

XAFIISKA, WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADDA DAWLADDA PUNTLAND.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*