29th March 2024  admin  Category :

Madaxweynaha Dawladda Puntland oo Si Ku-Meel Gaara U Magacaabey Guddoomiyaha iyo Guddoomiye Ku Xigeenka Degmada Boosaaso.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 01 March 2018 xafiiskiisa kasoo saaray wareegtu lagu magacaabay Guddoomiyaha iyo Gudoomiye ku xigeenka ah ee kumeel gaarka ah ee Degmada Boosaaso

Xeer Madaxweyne Lr.32 March 01, 2018, kuna saabsan magacaabid Guddoomiyaha Iyo Gudoomiye Ku Xigeenka Kumeel Gaarka ah ee Degmada Boosaaso.
Madaxweynaha Dawladda Puntland.

Markuu arkay:                      Dastuurka dawladda Puntland.

Markuu tixgaliyey:                Baahida loo qabo in ay sii socoto shaqada maamulka Degmada                                                        Boosaaso.

Marku Qiimeeyey:                Tala soo Jeedinta Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Dawladaha Hoose iyo Horumarinta reer miyiga.

1.      Waxaa Cabdisalaan Bashiir Cabdisalaan si ku meel gaara loogu magacaabay Guddoomiyaha Degmada Boosaaso.

2.Waxaa Siciid Cabdirxmaan Maxamed si ku meel gaar ah loogu magacaabay ku – Xigeenka Guddoomiyaha Degmada Boosaaso.

Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxeexo, wuuna saxeexay Madaxweynuhu.

=DHAMMAAD=
XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*